Somaliland: Bilowgii Dowladnimada iyo Curashadii Carroogga Dulmaneyaasha

Salebaan Ismaaciil Bulaale (Xuquuq) oo ah guddoomiyihii hore ee Daladdii ay ku midaysnayeen ururrada u dooda xuquuqda Bani’aadamka ee Somaliland, waxa uu kaalinta hore kaga jiraa Shaqsiyaadkii dhiddibada u taagay Aasaaskii ururrada Xuquuqal-iinsaanka ee Somaliland oo la jaan-qaaday Bilowgii Dowladnimada Somaliland.

Muuqaalka Hoose waxa aad ku daawan doontaa Suleiman Ismaaciil Bullaale oo bilowgii dhismaha dowladnimada Somaliland gaar ahaan baarlamaankii lagu doortay shirweynihii 3aad ee dib-u-heshiisiinta beelaha Somaliland sannadkii 1996-kii oo uu warbixin ku saabsan xuquuqal Iinsaanka Somaliland ka hor jeediyey.