Muxuu daaranyahay Safarka Madaxweyne Biixi ee Djibouti?

Hargeysa-(Berberanews)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa u xadhko xidhan safar uu maalnta berri ah ku tegayo dalka Jamhuuriyadda Djibouti.

Madaxweyne Biixi oo berri u dhoofaya Jabuuti ayaa sida aanu wararka ku helay kaga qaybgalayoa xafladda arooska gabadh uu dhalay Ismaaciil Cumar Geelle, halkaas oo ay ku kulmi doonaan Madaxweynaha Soomaaliya.

Safarka Madaxweynaha Somaliland ku tegayo waddanka Jabuuti, ayaa ka dambeeyey martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle oo sidoo kale arooska inantiisa ku casuumay qaar ka mid ah madaxda dalalka Geeska Afrika.