Maayarka Berbera oo Tacsi u diray Ehlada Marxuum Maxamed Cali Hayste

Berbera-(Berberanews)-Maayirka Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan, oo ku hadlaya afka Golaha Deegaanka iyo kiisa ayaa Tacsi Tiiraanyo leh u diray ehladii Marxuum Eng Maxamed Cali Saleebaan (Cali Hayste) oo ku geeriyooday maanta caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Dhambaalka Tacsida ah ayaa isagoo dhammaystiran u dhignaa sidan;

“Aniga oo ku Hadlaya Magaca Golaha Deegaanka degmada Berbera iyo ka shacbiga reer Berbera waxa Aan dhanbaal tacsi ah u dirayaa ehellada, qaraabada, ganacsatada, waayeelka iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Eng Maxamed Cali Saleebaan (Cali Hayste) oo ku geeriyooday maanta caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Waxanan marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Aamin Aamin