Tuuladii Laga Difaacay Hargeysa oo Nus Qarni Kaddib Abaalmarin Heshay

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland Siciid Sulub Maxamed iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Siyaasadda CAli Maxamed Waran-cadde, ayaa ka qayb-galay munaasibad loo sameeyey Kastam Cashuuraha ah oo laga hirgeliyey Tuulada Daba-goraayaale oo ka tirsan Gobolka Daad-madheedh, taas oo ku taalla xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Ethiopia.