Dhul-gariir Dad Badan Ku Dhinteen Oo Ka Dhacay Dalka Indonesia

Indonesia-(Berberanews)-Dhul-gariirkan oo cabirkiisu ahaa 5.6 ayaa ku dhuftay magaalada Cianjur ee Galbeedka Java, waxaana dhul gariirku uu gaadhay 10km (6 mayl), sida lagu sheegay xogta la shaaciyay.

Dhul gariirka ayaa laga dareemay magaalada caasimadda ah ee Jakarta oo qiyaastii 100km u jirta, halkaas oo dadkii ku sugnaa dhismayaal dhaadheer laga saaray.

Saraakiisha ayaa ka digay in tirada dhimashada ay sii kordhi karto iyo suurtagalnimada dhulgariir ka dib.

Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya burbur soo gaadhay guryaha iyo dukaamada dadka.

Ugu yaraan 300 oo qof ayaa lagu daweynayaya Cisbitaal ku yaalla Cianjur, Herman Suherman, oo ah sarkaal ka tirsan dowladda oo halkaas ku sugan, ayaa u sheegay kanaalka wararka ee MetroTV.