Tanzani: 19 qof oo ku dhintay diyaarad ku dhacday Harada Victoria

Tanzania-(Berberanews)-Quusayaasha ayaa awoodi waayay in ay fuliyaan howlgal samatabbixin ah kadib markii diyaarad rakaab ah ay ku burburtay harada Victoria ee Tanzania kadib markii ay waayeen Ogsajiinta.

Ugu yaraan 19 qof ayaa dhintay ka dib markii ay diyaaraddu ku dhacday harada 6dii Nofembar.

Warbixinta ka soo baxday wasaaradda gaadiidka ee Tanzania ayaa sawir fool xun ka bixisay sida ay heeganka ugu jiraan gurmadka degdegga ah ee wax looga qabanayo musiibada.

Nafo badan ayaa laga yaabaa in la badbaadiyay haddii dadaallada samatabbixintu ay si dhakhso ah u bilaabmaan, ayay tidhi.

Taa beddelkeeda, qaybta badda ee booliisku waxay haysteen hal doon oo samatabbixin ah.

Waxa ay wararku intaa ku darayaan in afar saacadood ka dib ay soo gaadhay goobta shilku ka dhacay oo aanay haysan shidaal ku filan.

Warbixintu waxay ku nuuxnuuxsatay dhaleecayn hore oo ay dadweynuhu u jeediyeen hawl-gallada samata bixinta, balse waxay ku guul-darreysteen inay shaaciyaan sababta keentay shilkan, iyagoo sheegay inay weli baadhitaanku socdaan.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jirtay cimilo xun – oo ay ku jiraan onkod iyo dabaylo xooggan – ka hor inta aanay diyaaradda gaarka ah ee Precision Air ku dhicin harada.

Kalluumeysatada ayaa ugu horreyn goobta ku sugnaa, waxayna hormuud ka ahaayeen dadaallada samata bixinta.

43-kii qof ee saarnaa, 24 ka mid ah ayaa ka badbaaday. Labada duuliye ayaa ka mid ahaa dadka dhintay.

Diyaaradda ayaa ka soo kacday caasimadda ganacsiga ee Dar es Salaam, ka hor inta aanay burburin abaaro 05:50 GMT, xilli ay ku sii jeedday garoonka diyaaradaha ee magaalada Bukoba ee dhanka harada.

Qaar ka mid ah rakaabkii ka badbaaday diyaaradda ayaa sheegay in habka diyaaradda uu ahaa mid caadi ah illaa wax yar ka hor inta aan la taaban, markii diyaaraddu ay si xoog leh u ruxday oo ay sanka hoos ugu dhacday iyada oo dhinaca bidix u siibanaysa, ayaa lagu yidhi warbixinta.

Madaxweynaha Tanzania, Samia Suluhu Hassan, ayaa ballan qaaday inay xoojin doonaan adeegyada wax ka qabashada musiibooyinka dalkaas, kaddib markii golaheeda wasiirrada ay ka hadleen shilkaas toddobaadkii hore.