Maxkamadda Sare oo xukun ka soo saartay Rafcaan uu qaaatay Ururka Talo-wadaag

Hargeysa-(Berberanews)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dhagaysatay Dacwad Idaari ah oo u dhaxaysay Urur-siyaasadeedka Talo-wadaag iyo Guddida Diwaangalinta Ururada iyo Ansxinta Axsaabta Qaranka, taasi oo ku qotontay Racfaan uu Ururka Talo-wadaag ka soo qaatay go’aan ay hore u soo saareen Guddida Diwaangalintu Ururada iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka.

Maxkamadda ayaa dacwada dhagaysigeeda u fadhiisatay salaasadii oo ay bishu ku beednayd 15/11/2022-ka, waxaanay dhagaysatay dood-afeedkii iyo cadaymihii ay darafyadu ku soo bandhigeen Maxkamadda horteeda. Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland markii ay daristay doodii iyo dhammaan cadaymihii ay dhinacyadu u soo gudbiyeen, waxa ay xukuntay in Uur-siyaadeedka Talo-wadaag u gudbay tartanka Doorashada Axsaabta Qaranka, sidoo kale waxay Maxkamaddu fartay Guddida Diiwaangalinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka in Urur-siyaasadeedka Talo-wadaag lagu daro liiska ururada gudbay ee loo gudbinayo Guddida Doorashooyinka Qaranka ee ka qayb qaadanaya tartanka doorashada Axsaabta Qaranka.

Waxa xusid mudan in ururadii Guddidu sheegtay in ay ka hadheen ama aanay buuxin shuruudaha loogu gudbayo tartanka doorashada Axsaabta Qaranka, uu Ururka Talo-wadaag oo kali ahi u soo gudbiyay Maxkamadda dacwad uu kaga soo racfaan qaatay go’aankaasi.

Halkan hoose ka akhriso xukunkii Maxkamadda Sare ka soo saartay dacwadan:-