Waa kuma korneyl Tuke, sarklaakii hore ee dawladdii Siyaad Barre?

Bbc-Sarkaal ka tirsanaan jiray ciidammadii Soomaaliya oo lagu magacaabo Yuusuf Cabdi Cali, ayaa loogu xidhay gudaha dalka Mareykanka dacwado la xidhiidha jidh-dil iyo tacadiyo kale oo la sheegay inuu geystay sannadihii 1980-meeyadii ee dawladdii Siyaad Barre.
Saddex sanno ka hor xeerbeegti Mareykan ah, ayaa Cali ku xukuntay inuu jidh-dil u geystay wiil dhallinyaro ah sannadkii 1987-kii – taasoo uu beeniyay.

Xilligii dawladdii Siyaad Barre ee 1980-meeyadii waxa la sheegay in Soomaaliya ka dhacayay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha. Yuusuf Cabdi Cali waxa uu madax ka ahaa guuto ciidan oo caan ahaa.

Sannado kadib markii uu ka cararay gobolka, eedeymaha xadgudubyada ayaa mar kale soo kordhayay. Sannadkii 1992-dii Cali ayaa laga tarxiilay dalka Kanada, kadib markii markhaatiyo dokumentari ah ay sheegeen inuu amray dilal badan.
Waxa uu shaqo ka helay shirkadda tagaasida Uber ee Maraykanka.

Kadib 2019-kii maxkamad maddani ah oo Maraykanka ku taal, ayaa ku xukuntay inuu bixiyo ganaax nus malyuun dollar ah kadib markii lagu eedeeyey inuu jidh-dilay wiil dhalinyaro ah sannadkii 1987kii.

Hadda ninkan oo lagu magacaabi jiray Kornayl Tuke ayaa la xidhay, iyadoo baadhayaasha Mareykanka ay baadhayaan xadgudubyo baahsan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo ay ku jiraan dil iyo jidh-dil.
Kornayl Tuke waxa uu ka mid ahaa saraakiishii ciidankii millateriga Soomaaliya ee dawladdii Maxamed Siyaad Barre madaxda ka ahaa, Kornaylku wuxuu ka mid ahaa sarakiil tababbar fiican ku soo qaatay dalka Maraykanka sida uu sheegay qareenkiisa Joseph Peter.
Wuxuu dawladdii Kacaanka ka ahaa taliyihii guutada shanaad ee millatariga Soomaaliya, waxana lagu eedeeyey inuu mas’uul ka ahaa tacaddiyo ka dhan ah bani’aadanimada oo la sheegay in uu ka geystay gobolladii waqooyi oo haatan la yidhaa Jamhuuriyadda Somaliland.
Dhacdooyinka lagu eedeeyey ayaa la sheegay inay dhaceen sannadihii 1970-meeyadii ilaa 1980-meeyadii, sida ku xusan warqadaha ninka dacwadda gudbiyey.
Kornaylkan ayaa loo heystaa dil 30 sanno ka hor dad rayid ah oo loogu geystay magaalada Gabiley.

Horraantii buburkii dawladdii Kacaanka, Tuke wuxu k amid noqday saraakiil sare oo qaxootinimo isaga dhiibay waddamada reer galbeedka, gaar ahaan dalka Canada oo dawladda dalkaas ay muddo kadib ogaatay in loo haysto eedeymo la xidhiidha gobbood-fallo ay ka mid yihiin dad shacab ah oo ciidankiisii nolosha ku gubeen, qaar la dilay iyo kuwa si xun loo jidh-dilay oo ka dhacay magaalada Gabiley oo qiyaastii 60km dhinaca galbeed ka xigta caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
Eedaysane Tuke, ayaa u wareegay waddanka Maraykanka, kadib markii warbaahinta CBC ee Canada ay baahisay barnaamij lagu soo bandhigay gabbood-fallada loo haystay, waxana qaabka uu ku tagay dalka Maraykanka ka dambaysay xaaskiisa oo fiise ama dal ku gal u soo dirtay markii ay heshay dhalashada Maraykanka sannadkii 2006.

Xaaskiisa ayaa sidoo kale loo haystay ka been sheegidda qaabka ay ku tagtay Mareykanka.

Dadkii daba tagnaa Tuke ayaa dacwaddiisa u wareejiyey dalka Mareykanka, waxana warbaahinta CNN ay sidoo kale baahisay muuqaal la duubay sannadkii 2016, kaas oo muujinaya booliska Maraykanka oo Kornaylka ka kaxaynaya goobtii uu ka shaqaynayey oo ahayd garoonka caalamiga ah ee Dulles ee woqooyiga Gobolka Virginia.

Tallaabada booliska ayaa timi, kadib markii xubin ka tirsan Aqalka Virginia ay dalbatay in la cadeeyo sababta qof dambi loo haysto looga shaqaalaysiiyey garoonka diyaaradaha ee gobolkaasi, waxaanay keentay in shaqada laga eryo.