Nin hubaysan oo 5 qof ku dilay goob Khaniisiintu leeyihiin Gudaha Maraykanka

USA-(Berberanews)-Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay 18 kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii nin hubeysan uu rasaas ku furay gudaha goob lagu caweeyo oo ay ku sugnaayeen dadka isku jinsiga ah ee isku galmooda oo ku yaalla gobolka Colorado ee dalka Mareykanka habeenkii Sabtida.

Qof laga shakisan yahay ayaa ku jira gacanta booliska waxaana laga daweynayaa dhaawac.

Laba qof oo “geesiyaal ah” oo ku sugnaa goobta ayaa jabiyay qofka weerarka geystay, sida ay booliisku sheegeen.

Naadiga Q, ee Colorado Springs, ayaa Facebook-ga ku soo qortay in ay “ka xumaatay weerarka macno darada ah” ee lagu hayo bulshadeeda.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in dadka Maraykanku “aanay u dulqaadan karin nacaybka”.

Booliska ayaa dadka ka codsaday in ay u dulqaataan inta ay ka shaqeynayaan sidii ay u ogaan lahaayeen dhibanayaasha iyo soo gabagabeynta tirada dadka ku waxyeeloobay, waxaana ay intaa ku dareen in dadka qaar ay isbitalka u qaadeen.

Tuhmanaha ayaa laga helay gudaha goobta oo ahayd kalaab. Labo qori ayaa goobta laga helay, waxaana loo maleynayaa in ninka weerarka geystay uu adeegsaday qori dheer.

Booliisku may soo jeedin sababta toogashada ah balse waxay sheegeen in baadhitaanku uu ka fiirsan doono in uu yahay dambi nacayb, iyo haddii in ka badan hal qof ay ku lug lahaayeen.

Afhayeen u hadlay waaxda dab-damiska ayaa sheegay in dhaawacyada si degdeg ah loogu qaaday isbitaallada.

FBI-da oo ku sugan magaalada Denver ee u dhow ayaa sheegtay in ay booliska deegaanka ka caawinayeen dhacdada.