Maxaa kasoo baxay Doorashooyinka dalalka Geeska Afrika 2020 ilaa 2023 ?

Sanado aduunka iyo dadka ku nool gobolka Geeska Africa rajeynayeen isbadelo dimuqaraadiyadeed iyo horumar siyaasadeed oo dawladaha gobolku ku talaabsadaan ayaa lagu jiraa dabayaaqadiisii.

09- April-2021 waxaa dib loo doortay markii 5naad madaxweynaha jamhuuriyada Djibouti Isma’el omer Ghuelle oo dalkaasi madaxweyne ka noqday 1999 kii.

Halkaasi waxaa ku baaba’day rajo iyo isbadel dadka reer Djibouti rajeynayeen in mar uun ay dalkaasi ka dhacaan doorashooyin xor iyo xalaal ah oo dadweynaha Djibouti arkaan isbadel siyaasadeed. 

21-June-2021 waxa loo dareeray doorashooyinka baarlamaanka Ethiopia 6 Gobol oo ka mid ah waxaana la doortay mudaneyaal ka badan 400 xildhibaan , halka ay dib u dhaceen 47 deegaan doorasho oo hoos yimaada Gobolada soomaalida , Hererida iyo Tigray oo qayb ka mid ah la qabtay 21 Sept 2021.

10-july-2021 ayaa la sheegay in xisbiga Barwaaqo ee Ethiopia ku guuleystay 410 kursi oo ka mid ahaa 436 kursi oo doorashadii 21 June 2021 dhacday , halkaasina waxa si dhab ah loogu doortay Abiy Ahmed oo ahaa gudoomiyaha iyo murashaxa xisbiga barwaaqo waxaana 4-oct-2021 loo dhaariyey raisal wasaaraha Ethiopia ee shanta sanadood ee soo socota.

15 May 2022 waxaa lagu qabtay xarunta Afisiyoone doorashadii madaxweynaha soomaaliya oo aad u xasaasi ahayd markii mudo dhaaf ku yimid xili doorasheedkii isla markaana uu dalkaasi galay khalkhal iyo isku hor imaadyo amniga khalkhal galiyey waxaana lagu doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo mar labaad talada ku soo laabtay isaga oo hore madaxweyne u ahaa 2012 ilaa 2017.

31-May-2021 waxaa dalka jamhuuriyada Somaliland looga dareeray doorashooyinkii golaha wakiilada iyo golayaasha deegaanka dalka halkaasi oo ay ku tartameen xisbiga talada haya iyo laba xisbi oo mucaarid ahaa .

06 June 2021 ayaa lagu dhawaaqay natiijadii waxaana tiradii ugu badnayd helay isbahaysigii axsaabta mucaaridka ah oo ku guuleystay golaha wakiilada iyo golayaasha deegaanada dalka , waxaana ay heleen ilaa 5 mayor oo ka mid ah 7 degmo A da ah iyo Afhayeenkii golaha wakiilada ( shirgudoonka)

09-Aug-2022 dalka Kenya waxa looga dareeray doorashooyinkii madaxweynaha, baarlamaanka, golaha sare iyo goleyaasha deegaanada waxaana ay ahayd doorasho xasaasi oo aad aduunku indhaha ugu hayey maadaama ay tartamateen dhinacyadii isku dilay doorashadii 2007.

15-Aug-2022 ayaa komishankii doorashooyinka ee Kenya ku dhawaaqeen in uu guuleystay hogaamiyihii mucaaridka oo ahaa madaxweyne kuxigeenkii dalka William Ruto , waxaa doorashadii diiday Raila Odinga oo uu waday madaxweynaha mudadiisu dhamaatay ee Uhuru kenyatta. 

09-Sept-2022 maxkamada sare ee dalka Kenya ayaa ku dhawaaqday in natiijadii doorashadii Kenya sax ahayd oo sidii komishanka doorashooyinku ugu dhawaaqeen William Ruto yahay madaxweyne la doortay, dadka reer Kenya waxaa u bilaabmay isbadel siyaasadeed oo aan hore loo arag laga soo bilaabo 1963kii.

13 Nov 2022 waxaa u astaysnayd doorashada madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland waxaana dib u dhac ku keenay khilaaf iyo murug siyaasadeed oo dalka hadheeyey Sept 2022 ayuu sheegay gudiga doorashooyinka Somaliland in ay ku qaban karaan 9 bilood oo ka bilaabmaysay 1-oct-2022.

Ilaa hadda ma jiro heshiis siyaasadeed oo laga gaadhay doorashadii madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland oo aduunka badankiisu indhaha ku hayo maadaama jamhuuriyada Somaliland ahaa dal hogaan iyo hormood ku ahaa hanaanka doorashooyinka iyo dimuqaraadiyada Geeska Africa. 

Axsaabta mucaaridka dalka ayaa 13 Nov 2022 sheegay in aanay aqoonsanayn madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland oo uu mudo xileedkiisii dhamaaday xili ay u hadhsanayd 1 bil ( one month ) waxaana abuurmay sawaxan iyo buuq siyaasadeed oo hor leh.

19 Nov 2022 madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland iyo xisbigiisa ayaa soo saaray in ay dastuurka dalka jabiyeen labada xisbi mucaarid isla markaana ay luminayaan dhamaan xuquuqihii dastuuriga ahaa , hadalkani oo noqday mid aad loola yaabay ayaa isaguna xaaladii wadanka dab ku sii shiday… !!!

WQ Maxamed Dhimbiil