Xogo dheeraad ah oo ku saabsab xadhigga dhagar-qabe dad ku gubay Gabilay

Source: Fox 5 DC
Ciidammo ka tirsan Laanta Sirdoonka (FBI) Intelligence iyo Ciidammada Ammaanka Maraykanka  oo lagu magacaabo (Homeland Security Investigations) ayaa xalay saacaddu markii ay ahayd 23:30 waxa ay gurigiisa ugu galeen Yusuf Abdi Ali
oo lagu naanayso Tuke. FBI Intelligence iyo Homeland Security waxa ay ku katiinadeeyeen qolkiisa hurdada oo ku yaal magaalada Springfield ee Gobolka Virginia.

Wakiil Gaar ah (Special Agent) oo u shaqeeya Waaxda Amniga Sirdoonka ama Homeland Securit y Intelligence oo lagu magacaabo  Derek W.Gordon ayaa waxa uu sheegay in markii sirdoonka Maraykanka ay qabtèen uu hurday Mr.Tuke.

Warsaxaafadeed uu ka soo saaray Derek W.Gordon magaalada Washington D.C ayaa waxa uu yidhi hadalkan hoose:

“Ciidammada Ammaanka ee Homeland Security Investigations iyo FBI Intelligence waxa ay xalay gurigiisa oo ku yaal magaalada Springfield ee Gobolka Virginia ugu galeen Yusuf Abdi Ali oo ah 69 jir lagu naanayso ” Tuke.” Waa uu hurday markii aan qabanay Yusuf. Inkasta oo qabashada aan qabanay Yusuf Ali, aanay soo celinayn dadkii uu xasuuqay, haddana waxa ay tallaabada aan qaadnay ay nabadgalyo siinaysaa dadkii uu xasuuqay, marka aan aragno dambiilaha oo noogu xeraysan qol yar, kana jawaabaya xasuuqa uu gaystay  iyo kaalintii uu ku lahaa dambiyadaas foosha xun.

Haddii aan nahay HSI waxa aan u heellanahay  ilaalinta dadka sharciga u hoggaansan  ee deggan Washington D.C iyo aaggaga Metro, waxana aan sii wadi doonnaa raadinta dadka ku xadgudbay xaquuqul insaanka.”

Ilaa 2003dii  Homeland Security Intelligence waxa ay xidhay dad ka badan 480, waxana ay waddamadooda u mastaafurisay 1100 qof oo ku xadgudbay xaquuqda bani’aadamka.

2019kii ayaa telefishinka CNN waxa uu barnaamij ka diyaariyey Yusuf Abdi Ali oo u shaqaynaayay  tagaasida la wadaago ee Uber iyo  Lyft, dhamaadkii sanadkaas ayaa maxkamada Eastern District of Virginia, waxa ay ku xukuntay in uu bixiyo USD$500,000 si loo siiyo mid ka mid ah dadkii uu xasuuqa u gaystay oo ka yimid magaalada Gabiley.

Masuul kale oo u shaqeeya FBI Intelligence ayaa sheegay in maalmihii u dambeeyey ay buuxiyeen warbixino muujinaya in uu Yusuf Ali uu yahay dambiile gaystay xasuuq.

Laanta Amniga Maraykanka waxa ay sheegeen in Yusuf Ali ahaa taliye ka tirsan guutada 5aad ee joogtay woqooyiga Soomaaliya oo hadda ah Somaliland intii u dhexaysay May 1987-July 1988.

Yusuf Abdi ayaa hore uga baxsaday Canada magangalyana weydiistay Maraykanka, kadib markii ay dacweeyeen jaaliyadda Somaliland ee ku nool Gobolka Ontario.

Sidoo kale xadhigga Kornayl Yusuf Ali “Tuke” ayaa waxa laga sii daayay telifishannada Fox News iyo NBC News.