Qadar oo Digniin culus u dirtay dadka Qowmu Luudka ee ciyaaraha kasoo qaybgalay

Qatar-(Berberanews)-Qatar ayaa u digtey taageerayaal doonaya inay soo qaataan calanka Qowmu Luudka,Taliye Booliis General Cabdulcasiis Cabdullaahi oo arintan ka hadlaya wuxuu AP u sheegay Sidan .

“Haddii uu taageere kor u qaado calanka Qowmu Luudka oo aan ka qaado, sababtu maaha inaan u gefayo, laakiin waxaan rabaa inaan isaga ilaaliyo Naftiisa .

Sababtoo ah qof kale oo ag fadhiya ayaa laga yaabaa inuu weeraro,Kan lasoo baxay Calanka Qowmu Luudka, Ma dammaanad qaadi karo dhaqanka dadka oo dhan. Marka waxaan kuu sheegayaa Fadlan, looma baahna calankaas in kor loo taago xilligan, Adigoo ku Xadgudbaya Sharcigeena .

Haddii aad rabto inaad muujiso aragtidaada ku saabsan xaaladda Qowmu Luudka, ku muuji Meelaha bulshooyinka laga ogol yahay waxaas dhexdooda .

Waxaan ognahay in qof kasta uu ku helay tikityada, oo uu halkan Qatar u yimid si uu u daawado ciyaarta ee ma aha inuu ka mudaaharaado, fal siyaasadeed ama wax maskaxdiisa ku jira.

Daawo ciyaarta Taas ayaa kuu Wanaagsan,Laakiin Intaad noo timaadid Kuma caayi kartid Bulshadeena oo dhan Waxyaabahan aad aamin san tahay Darteed “

Xigasho – Kaad Somali Tv