Ciidammada Maraykanka oo Xabsiga dhigay Kornayl Tuke

USA-(Berberanews)-Ciidamada amaanka Mareykanka ayaa xabsiga dhigay Colonel Yuusuf Cabdi Cali (Tuke) oo ah sarkaal ka tirsanaa ciidamadii milatariga Soomaaliya ee dawladdii kacaanka .

Tuke oo lagu xidhay magaalada Springfield oo ka tirsan gobolka Virginia, waxa lagu soo eedeeyay in uu dil , jidh-dil  iyo dambiyo kale oo ka dhan bini aadanimada ka gaystay Somaliland intii u dhaxaysay 1987 illaa 1988 sida ay sheegtay waaxda arrimaha gudaha Mareykanku .

Sarkaalkan, ayaa waxa hore dacwad ugu soo oogay ehelada dadkii dhibaatadu ka soo gaadhay ciidamadii uu taliyaha u ahaa Colonel Tuke oo fadhigoodu ahaa Gabiley.