Xildhibaannada Hibaq Jama,  Kerry McCarthy &  Indho Indho oo yeeshay kulan Qadiyada Somaliland ah

Bristol-(Berberanews)-Danjiraha Ganacsiga iyo maalgashiga Caalamka u qaabilsan Golaha Deegaanka ee  Magaalada Bristol Xildhibaan Hibaaq Cabdi Jaamac ayaa soo qaban qaabisay Kulan Dhexmaray Xildhibaan  Cabdiqaadir Maxamed Xasan indho indho iyo Xildhibaan Kerry McCarthy MP oo laga doortay Magaalada Bristol, kulankan oo qaatay mudo saacad ah ayaa ka qabsoomay Aqalka looga taliyo Magaalada Bristol waxaana lagaga wada hadlay Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland iyo sidii Loo icitiraafi lahaa Taasoo ay Xildhibaan kerry McCarthy ay tahay Xildhibaanadii samaysay Gudida Xildhibaanda Baarlamaanka ee Saaxiibada Somaliland.

Xildhibaan indho indho ayaa warbixin ka siiyey xildhibaanad Kerry Xaalada Somaliland iyo horumarka ka socda iyo baahida Somaliland u qabto in la icitiraafo.

Xildhibaan indho indho

Xildhibaan indho indho ayaa u mahadnaqay Xildhibaanada Baarlamaanka ingiriiska ee Taageera Qadiyada Madax banaanida Somaliland

Xildhibaan Hibaaq Cabdi Jaamac ayaa ugu mahadnaqday Xildhibaan kerry McCarthy oo isku Magaalo laga doorto dadaalka ay galisay Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland iyo xidhiidhka Saaxiibtinimo ee Soo jireenka ah ee ka dhexeysa Somaliland Iyo boqortooyada Ingiriiska.

Xildhibaan Hibaaq Cabdi Jaamac waxay sheegtay in Somaliland kusii dhawaanayso in la ictiraafo duniduna ay bulshada Dadaalkooda Abaalmariso.
Kulankan ayaa siweyn usoo dhaweeyey Jaaliyada Somaliland ee UK Mucaarid iyo Muxaafid waxa ay soo dhaweeyeen kulankan lagaga hadlayay  Qaranimada Somaliland.