“Madaxweynaha maanta ma jirto cid kala hadli karta doorasho” Sheekh Saleeban

Hargeysa:14/11/2022( Berberanews)-Xoghayaha abaabulka iyo wacyigelinta xisbiga KULMIYE, Mudane Saleebaan Siciid Cali, ayaa si adag uga jawaabay hadallo sharciyadda ka baxsan oo ay xalay ku dhawaaqeen hoggaanka sare ee axsaabta mucaaridka ah ee WADDANi iyo UCID.

Xoghaye Saleebaan oo maanta saxaafadda kula hadlay xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE, ayaa ugu horrayn labada xisbi mucaarid uga digay durbaanka colaadda ee ay garaacayaan iyo kala irdhaynta midnimada bulshada walaalaha ee reer Somaliland.

Sidoo kale, waxa uu si cad u sheegay inaanay cidina ka hor iman Karin dawladnimada iyo qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, hay’adaha kala duwan ee dawladduna yihiin kuwo sharci ku dhisan oo ciddii ka hor timaaddaa mudanayso dambiyo culus.

Xoghaye Saleebaan Siciid Cali, waxa uu guddoomiyihii hore ee xisbiga WADDANI, Mudane Cabdiraxmaan Cirro xasuusiyey muddo-kordhimihii kala duwanaa ee guurtidu u samayn jirtay golihii wakiillada ee uu guddoomiyaha ka ahaa, taas oo uu muddo badan kursiga guddoomiyaha ku fadhiyey, inay sharci tahayna uu aaminsanaa.

Waxa uu ku eedeeyey axsaabta mucaaridka inay  ku astaysan yihiin dib-u-dhacyadii ku yimi doorashooyinkii kala duwanaa ee dalka ka qorshaysnaa, isaga oo tusaale usoo qaatay dibin-daabyadii ay ku hayeen dhismaha komishannadii kala dambeeyey ee shaqada u kala dambeeyey.

Xoghaye Saleebaan Siciid waxa uu hoosta ka xarriiqay in dhawaan loo dareeri doono doorashooyinka ururrada, saddexda xisbi ee kasoo  baxaana ay markaa madaxweynaha kala xaajaysan doonaan doorashada madaxtooyada, waxana uu yidhi,“Marka 9-ka urur ay qaataan shahaadada ku-meel-gaadhka ah waxa ay la xaq noqonayaan oo la sinmayaan saddexda xisbi ee haatan jira. Madaxweynaha maanta ma jirto cid kala hadli karta doorasho madaxtooyo, haddii ay xisbiyada mucaaridka ahi ka hadlaanna sagaalka urur ee soo baxayna way ka hadli karaan, 12-kaasi markay tartamayaan saddexda kasoo baxa uun baa doorasho ka hadli doona, maantana ma taallo doorasho madaxweyne ee waxa taagan doorashadii ururrada.”

Xoghaye Saleebaan waxa uu Meesha ka saaray wararka aan salka lahayn ee axsaabta mucaaridku ku sheeganayaan inuu madaxweynuhu ergo udirsaday, isaga oo xusay inaanay jirin sabab uu Ergo u dirto maaddaama oo uu sharci ku taagan yahay.

Ugu dambayn, xoghayuhu waxa uu axsaabta mucaaridka uga digay shirar-beeleeddada ay dabada ka riixayaan, waxana uu usoo jeediyey inay bulshada hor keenaan ajendayaal tilmaamaya waxa ay qaban doonaan, xanafta iyo colaaddana ka yareeyaan shacabka.