Dowladda Turkiga oo dad badan u xidhxidhay Qaraxii Istanbul

Ankara-(Berberanews)-Mas’uuliyiinta Turkiga waxay sheegeen inay xidheen 46 qof oo lala xidhiidhiyay qaraxii dhimashada badan geystay ee Axaddii ka dhacay magaalada Istanbul.

Waxaana dadkaas la xidhay kamid haweeney looga shakisan yahay inay ka dambeysay qaraxaas.

Booliska waxay magaca haweeneyda ku sheegeen -Axlaam Bashiir- oo la sheegay inay soo tababareen maleeshiyaadka Kurdida ee laga mamnuucay Turkiga ee PKK.

Ilaa hadda ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda qaraxii Istanbul.

Qaraxa ayaa ka dhacay mid kamid ah meelaha ugu mashquulka badan ee laga dukaameysto ee ku yaalla Istanbul, waxaana ku dhintay ugu yaraan 6 qof halka in ka badan 8 qofna ay ku dhaawacmeen.