Burburkii Soomaaliya 31-sano-21 Kacaan, Buuqa Somaliland 31-sano-21aad Kulmiye

Dhacdooyinka Ummad ama Aadamaha halleela ama soo wajaha wey kusoo  noqnoqdaan hadii aan lagu cibaaro qaadan oo wax laga korrodhsan, oo aan laga foojignaan  wixii hore u soomaray si aanay Dib ugu habsan, Maxaa yeeley aduunka aynu ku guud suganahay waa goob laylis ama jarribitaan ama imtixaan loo joogo, oo Alle inoo qoondeeyey inuu inagu imtixaano!, Mana aha wax laynoo qariyey se waa arin si qayaxay laynoogu war geliyey oo laynoo sheegay in aan ciddi aduunka ku waarahayn oo ruux kastoo inaga mid ahi mudo cayiman oo Alle ogyahay ku nagaanaayo, wixii aynu falno  ama aynu dhitaysano Intaynaan god-gelin uu ina raaci doono xumo iyo samaan midka uu ruux kastaa sii hormarsado, Taasna marka Alle Dib inoo soo kiciyo ama ina soo nooleeye siduu Alle sheegay Ruuxba wuxuu meel dhigtay miisaanka loo saaridoono hubaalna lagu abaal marin doono, Hadaba inaka Dadka aynu ka joogno waxa loo yaqaanay oo ay isku yaqaaneen Dadkii Illaahay ama Dadkii Alle, dhulkan aynu ka dhaxalnayna waa Dhulkii Alle, dadkaa aynu ka joogno Madaxdii hagi jirtay KITAABKA QURAANKA ah ee ah Hadalkii iyo Odhaahdii Allaha Wayn ee Weligii Jiraha ah, ayey ku xusan yihiin, weliba isaga oo Alle inagu yidhi (suurada Luqman, aayada 27 Hadii waxa geed aduunka  jira qalimo laga dhigo oo bada iyo Todoba Baddood oo kale oo lagu daray khad laga dhigo(waxsheega) odhaahda iyo hadalka Alle ma wada qori karaan, sidoo kale suurada Al-Kahaf, aayada 109 – Hadii badu khad u noqon lahayd odhaahda Alle badu wey gudhi lahayd intaanay go’in ama Hakan ama joogsan odhaahda Alle, Hadii bada lasoo dhaamiyo hadana sidoo kale ayuunbay badu u idlaanlahayd!.) Alle ayaa Wayn. 

Bal odhaahdaa Alle eeg Bad khad ah meel ii dhig, Webi khad ah meel ii dhig, Haro, Ceel, Bali iyo Barkad intaba meel iska dhig, hadii Booyad Shaanboo Xayraan ah oo khad ah wax lagu qoro ma dhici karto in uu ruux Aadame ahi wada akhriyi karo haduu xitaa inta uu nool yahay habeen iyo hirraab kala joojin akhriska!, Allaheena weyn ee weligii Jiraha ahi wuxuu inoo soo dejiyey Kitaab Quraan ah oo kooban oo Sodon Jis ah oo uu Alle wax inoogu sheegay oo inagu amray, sidoo kalana inooga waramay Ummadahii hore iyo Nabiyadii uu usoo diray, dadkii xiligii Nabigeenii Maxamed NNKH Jiray, inaka hada jirna iyo kuwa dabadeen iman doona ilaa inta aduunka la duubaayo wax sheegooda Alle wax ugu sheegaayo, se ma ogtihiin ama waa halkii Alle haw naxariistee Abwaan Ismaciil Xayd Xirsi “Aflow” ee Ciddi makuu sheegtay? in Allaheena wayni uu Kitaabka quraanka ah ee hadalkii Allihii ina abuuray ah ay ku Xusan yihiin dadkii Madaxda beri samaad inoo ahaan Jiray ee taladu Taabka ugu jirtay ee Dad, Qoomiyad, Af, Dhaqan iyo Tafiir aynu ka joogno!, oo weliba Karaamo iyo Sharaf ugu xusan yihiin, Alle illaaheena Wayn waxaanu odhan ruuxii yidhaahdaa waa jaahil iyo Naar lagu Dhaab!. 

Bal Hadaba Madaxdeenii hore Illaahay wanaag sharaf, karaamo iyo Daacadnimo inay ku dihnayn ayey odhaah xuska Alle ka Marag kacaysaa, Dhanka kale Madaxdii Dowladii Jamhuuriyada Soomaaliya dalkii laysku odhan jiray waatii 31 sanadood oo 21 Kacaan ahayd Afwaynta ku goosatay!, markii Askari intuu afgenbi ku qabsaday hadana intuu Kitaab gacanta saaray  waxii lawada ogaa gaystay ee aakhirkii inta uu kabaha ka iladay guux kusii yidhi Dal iyo Dad midna laygama Hadho!. 

Burburkii Soomaaliya Waxa Dib loo unkumay Jamhuuriyada Barkaysan, iyana maanta oo ay jirto intii dalkii Soomaaliya laysku odhan jiray ku burburay ayaad moodaa in Jamhuuriyadii barakaysnayd halkii gorofka laga saydhi jiray maanta in ay geestaalo,  Maxaa yeelay Jamhuuriyada barakaysani maanta waa 31 sano jir Kulmiyena wuu ku 21 tirsanayaa, Madaxweyne Mudane Muuse Biixi Cabdi isaga oo far khad loo daray oo aan afganbi ku qabsan ayuu Shacab, Wax-garad, Culimo, madax-dhaqameed, Ganacsato iyo Xisbiyada qaranka midna dheg jalaq usiin, inaka oo ah Qoomiyad Diin iyo Dhaqan soo jireen ah leh  oo caddaalad iyo Walaaltinimo iyo wax wada lahaansho iyo midnimo wax ku wada qabsada, Diinteena suubana Illaahay inagu faraayo (Aayadaha Quraanka ah sida 1, suurada 5aad aayada 8aad, 2, Suurada 16aad Aayada 90aad, 3, Suurada 55aad Aayadaha 7-9,  4, Suurada 4aad Aayada 58aad, iyo 5, Suurada 4aad Aayada 135aad,) Illaahay wuxuu inagu Amrayaa oo uu inagu Dhiiri-gelinayaa oo uu inagu Boorinayaa oo uu ina farayaa Caddaalad iyo Xaq-soor Ummada inay u sal noqoto, hadii kale aduunku waa goob Imtixaan ama sidii arday fasalka ay marayeen Imtixaan laga qaadaayo hadii ay ku fowsaan ama guulaystaan way ka gudbi fasalka, hadii ay guul-daraystaana way sii fadhiyi fasalkaa!, Waa tabta inakana xaalkeenu yahay, Dhibta jirta ama mushkilada jirta ee indhaha shacabku ka lalinayaan ama iska indho saabayaan ayaa ah in xisbiyadii qaranka Jamhuuriyada barakaysan ee shacabka barakaysani kala garab socday loo kala sad buriyo, oo Xisbi helo mudo kordhin, seeto-dheerayn iyo Mudo xileed dheeraad ah oo Dabo-dhah ahi u meel taalo, Xisbiyada qaranka ee kalana Dabar, Qalax iyo mudo-koobid ayaa U meel yaala! Caddaalad MIYAA?. 

Iminka iyo haatan Arrimuhu waxay u muuqdaan in wixii raga maanta joogaa shalay ay ugu dagaalamayeen in aanu ahayn sidii loo heli lahaa caddaalad, sinaan, Talo-wadaag, wax wada qabsi iyo midnimo qaran meel u wada jeeda, se hubaal waxa humaaga dhabta ahi uu yahay oo ay wax ku wareemeen kursiga Dalku waa harag sakaaro oo iga durug malaha iga kacna warkeed daa’! Taa ay iskugu biyo shubmayso, ileen hadii kale jamhuuriyadii barakaysnayd halkii ictiraaf raadin loo dhan yahay loo Tafo xaydan lahaa, waatan is maquurin, muran iyo qalalaaso doon loo xusulo-duubtay, bal Hadaba Dhacdooyinka taariikhiga  ahi way soo noqnoqdaan hadii aan lagu cibaaro qaadan, waayo Burburkii Soomaaliya 31-sano-21 Kacaan, Buuqa Somaliland 31-sano-21aad Kulmiye, hadaan hada loo guntan  Malaha waxa Xigi Dhulka sow kulama lihi iyo heesihii dhiiga saydhi jiray oo Dib u dhawaaqa, Alle haynaga beri yeelee. 

Hadal iyo dhamaan Boqorkii Hobol ama Hobolow Illaahay naxariistii Jano haka waraabiyo ayaa laga hayaa (ina Rag walaal wax uu ku dhaamo ma jirto ee aynu iswalaashano!), ee Bal walaalayaal is walaashada, aan ku soo ood-rogo Qormo qoraalka tuducda gabaygii  odhanaayey:-. 

Dhayal maaha weedhiyo warkani, aan dhiig ku soo qoraye

Sambabada dhexdoodiyo haddaad, dhuunta gelin weydo

Dhinacyadiyo feedhaa hadaanad, buugga ugu dhiibin

Hadaan beerku dhuunniga u noqon, raashinka u dhiiba

Wadnuhuna xusuus dheer haduu, dhawda fidin waayo

Maskaxdaada dhawr jeer haday, soo dhex gelahaynin

Oonay dhibicda faalaynahayn, muranka dhiilaysan

Dhegahaaga waanada hadaanad, fiiro ugu dhiibin

Dharaarii ku soo maray haddaad, hoos u dhugan waydid

Wixii dhacay shalaytana hadaanad, maanta dhinac joojin

Haddii aad ku dhaaf uun tidhaa, raaxadaad dheregtay

Dabaylaha dhacaayiyo warkaa, dhaaxo kuu simane

Xooluhuba way dhuunyadaan, raashin loo dhigo’e

Dhalmana way yaqaaniin, waa taranta dhuuxeede

Hadduu bahal soo dhacanna, way dhababaceeyaane

Bal maxaad ku dhaantaa hadaan, talladda kuu dhiibo, 

“Gabay-ga aan magaca lahayn”

(‘Abwaan Bashiir Ismaaciil Mire’ Alle haw naxariisto.). 

Dunidu Waa goob Imtixaan 

Dadka  lagu Jirrabo

Doqon taa se moogan!.

Fuad Fartaag 

Fartaagmuwaadin@gmail.com