Sawirka Guud ee Xaaladda Degmada Boocame Oo Waxqabadka Somaliland U Heelan ~ WARBIXIN

Isu-duwaha Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka Sool, Maxamuud X. Khaliif, ayaa Sawir guud ka bixiyey Xaaladda degmada Boocame ee gobolkaas oo dhawaan ciidamada Qaranku la wareegeen isla markaana laga dhagax-dhigay mashaariic horumarineed oo xukuumaddu ka fulinayso.

Waxa uu Isu-duwuhu ka warbixiyey hab-dhaqan dhaqaalaha bulshada degmada Boocame iyo wax-soo-saarka ay leedahay.