Somaliland iyo Djibouti oo shir ballaadhan yeeshay

Djibouti-(Berberanews)-Dawladaha Somaliland iyo Jabuuti ayaa ka wada arrinsanaya dhismaha jid cusub oo isku xidhayaya Boorama iyo Lawyacaddo.

Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland ayaa socdaal ku jooga Jabuuti.

Shirka hordhaca dhismaha jidka Lowyacaddo-Borama  oo ka dhacay Djibouti, una dhexeeyey dawladaha Somaliland iyo Djibouti, isla markaana goobjoog ka ahaayeen Bangiga Horumarinta Africa ADB iyo Urur-goboleedka IGAD.

Waxa ka qaybgalay dhanka Djibouti

1. Wasiirka Maaliyadda iyo Qorshaynta
Ilyaas Muse Dawaale
2. Wasiirka Arrimaha Gudaha
Mudane Siciid Nuux
3. Wasiirka Gaadiidka
Xasan Xaamud
4. Wasiirka Beeraha, Biyaha, Xoolaha iyo Kalluumaysiga
Maxamed Cawaale Somali
5. Taliyaha Ciidanka Booliska Djibouti
Col. Cabdiraxmaan Turtur
6. Maareeyaha Waddooyinka
7. Madaxa Cashuuraha Berriga Djibouti
8. Guddoomiyaha Dekedaha Djibouti
9. Guddoomiyaha Dariiqyada Corridorrada Djibouti.

Dhanka Somaliland
1. Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka
2. Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Waddooyinka
3. Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka
4. Guddoomiyaha waddada Lawyacaddo-Borama.