Raysal-wasaara Pakistan oo iska diiday ku lug lahaansha isku daygii dil ee Imran Khan

Pakistan-(Berberanews)-Ra’iisul wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa diiday eedeymaha loo soo jeediyay ee ah inuu ku lug lahaa isku daygii dilka ee hogaamiyaha mucaaradka Imran Khan, iyadoo taageerayaasha ra’iisul wasaarihii hore ay sii wadaan mudaaharaad, iyagoo dalbanaya in baadhitaan lagu sameeyo toogashada.

Khan ayaa laga toogtay lugta intii uu socday isu soo bax looga soo horjeeday dowladda Khamiistii.

Siyaasiga Cricket-ka isu rogay ayaa ku eedeeyay Shariif, wasiirka arrimaha gudaha Rana Sanaullah iyo jeneraal sare oo ka tirsan ciidamada Pakistan inay isku dayeen inay dilaan.
“Xaq uma lihi in aan sii joogo xafiiska haddii ay jiraan cadaymo la helay oo la xidhiidha ku lug lahaanshahayga kiiskan,” Sharif ayaa yidhi Sabtidii, isaga oo intaa ku daray in aanay jirin wax caddayn ah oo lagu soo bandhigay saddexda qof ee uu magacaabay Khan.
“Waan ka tagi doonaa siyaasadda weligeed haddii ay taasi timaado,” ayuu u sheegay suxufiyiinta magaalada Lahore ee waqooyi-bari.

Khan ayaa tobanaan isu soo baxyo ku qabtay dalka oo dhan tan iyo bishii April isaga oo dalbanaya doorashooyin degdeg ah.

Waxa uu hogaaminayay socod ka dhacay caasimada Islamabad, si uu ugu cadaadiyo dalabaadkiisa markii nin hubaysan uu rasaas ku furay degmada Wazirabad ee bariga Punjab.

Dhowr jeer oo hore ayuu sidoo kale saraakiisha ciidamada ku eedeeyay jidhdil iyo dhibaateyn ay kula kaceen shaqaalaha xisbigiisa oo ay ku jiraan Senator iyo kaaliye sare.