Tirada dadka ku dhintay weerar Alshabaab ka fulisay Muqdisho

Muqdisho-(Berberanews)-inta la xaqiijiyay 15 qof ayaa ku geeriyooday weerar ismiidaamin ah oo caawa lala beegsaday warshadii hore ee Nacnaca Muqdisho.

Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkan, waxayna tilmaameen inay ku dileen ciidamo katirsan kuwa Danab oo uu Maraykanku tababaray.

Illaa iyo hadda si dhab ah looma xaqiijin karo in weerarka ismiidaaminta ah uu ka dhacay gudaha xarunta Gen. Dhego badan, (warshadii hore ee Nacnaca), halkaas oo tiro dhowr jeer ah Shabaaabku ka geysteen qaraxyo ismiidaamin ah.

Sidoo kale,  bombo gacmeedyo ayaa lagu weeraray xarumaha saldhigyada booliiska ee qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Ma jiro wax war ah oo ka soo dowladda Somalia oo ay kaga hadashay weerarkan lala beegsaday Ciidammda Dowladda