Madaxweynaha Somaliland muxuu ka yidhi Qaraxii Soobe?

Hargeysa-(Berberanews)-Madxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa argagagax laga xumaado ku tilmaamay dhibaatadii qaraxa Soobe ee dadka badani ku dhinteen.

Madaxweyne Biixi oo ka hadlayay Xus loo sameeyay Sannad-guurada 29aad ee kasoo wareegtay Ciidammada Booliska Somaliland, ayaa wax aad iyo aad looga murugoodo ku sifeeyay dhacdadii Soobe.

“Waxaan u ducaynaynaa dalka ay dhibaatadaasi aad iyo aad ugu sii culuslaatay, Soomaaliya Muqdisho wixii ka dhacay waad aragteen, dad shicib ah oo masaakiin ah oo mashaqada intaa leegi ku dhacday naxdin iyo argagaxeeday leedahay qof walba  oo bani-adam ahina wuu ka damqanayaa innagoo Diin, Soomaalinimo, Jaarnimo iyo Ehelnimo wadaagnaana aad iyo aad baan uga naxaynaa uga murugoonaynaa waxaa dhacay”  sidaa waxa yidhi Madxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.