Dhawaaq Dhiillo Xambaarsan oo Ka yeedhay Golaha Guurtida Somaliland

Hargeysa (BerberaNews)- Qaar Ka Mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland Kaga Jira Gobolka Sool, ayaa eedaymo u jeediyay Guddiga diiwaan-gelinta Ururrada iyo ansixinta Xisbiyada Qaranka.

Xildhibaannada oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sharci jebin ku tilmaamay go’aan ay soo saareen guddiga diwaan-gelinta ururadda, kaas oo ay ku sheegeen in gobolka Sool laga doonayo 400 oo qof Madax-taabashada taageerayaashaas ururrada siyaasadda, halka gobollada kalena ka yihiin 1000 qof.

Xildhibaanadu waxay sheegeen in gobolnimada Sool shaki la galiyay arrinkaasina aanay ahayn wax la aqbali karo, iyagoona sheegey inay xaqiraad iyo nusqaamin ay u arakaan go’aanka guddiga.