Suxufi u dhashay Pakistan oo Kenya lagu toogtay

Kenya-(Berberanews)’Ururka saxafadda Dibeddda ah ee Africa (FPAA) ayaa war kasoo saaray dilka wariye caan ah oo u dhashay dalka Pakistan oo Axadii lagu dilay dalka Kenya.

Kooxdu waxay sheegtay in duruufaha ku xeeran dilka Arshad Shariif ay “gaar ahaan walaac ka qabaan”.
Mr Sharif ayaa waxaa toogtay ciidamada booliska xili uu ku sugnaa jidgooyo.

Waxa uu ahaa nin dhaleeceeya militariga Pakistan, sidoo kale waxa uu si weyn u taageersanaa ra’iisul wasaarihii xilka laga tuuray ee Imran Khan.

49-jirkan ayaa ka tagay Pakistan bishii Ogosto ka dib markii uu ka cawday dhibaatayn.

Lama oga waxa uu Kenya ka sameynayay. FPAA waxay ugu baaqday mas’uuliyiinta Kenya inay sameeyaan baadhitaan “dhameystiran”, iyadoo sheegtay in dilka Shariif uu “ku dhacay bahwadaagta warbaahinta caalamka”.

Booliska Kenya ayaa sheegay inay baadhayaan falkaasi, islamarkaana laga qaadi doono tallaabo ku haboon.