Somalia oo dil ku fulisay nin loo heystay dilkii Wasiir Cabbaas

Maxkamadda militeriga ee Soomaaliya ayaa dil toogasho ah ku fulisay nin loo heystay dilka wasiirkii howlaha guud iyo dib u dhiska Cabbaas Siraaji.

Maxkamadda ayaa sheegtay in Axmed Cabdullaahi Cabdi Caydiid lagu riday xukunka toogashada isla markaana saaka lagu fuliyay.

Cabbaas Siraaji ayaa 3-dii bishii May sanadkii 2017 lagu dilay is-rasaaseyn ka dhacday agagaarka madaxtooyada.

Cabaas oo 32 sano jir ahaa ayaa la sheegay inuu ahaa wasiirka ugu d’ada yaraa wasiirada xukumaddii xilliggaas, Wuxuu ka mid ahaa qaxootigii ku soo barbaaray xerada qaxootiga ee Dhadhaab.

Wuxuu sidoo kale ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka.

Gashaanle Xasan Cali Nuur Shuute oo ah Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Darajada Kowaad ayaa xukunka dilka ah ku riday bishii June 2017-kii Dable Ciidanka Xooga Axmed Cabdullahi Ceydiid oo maanta lagu fuliyay dilka