Maxkamad ku taalla Uganda oo xabsi daayin ku xukuntay nin Ugaadhsade ah

Uganda-(Berberanews)-Maxkamad ku taalla dalka Uganda ayaa ku xukuntay nin ka ganacsan jiray fool-maroodiga xabsi daa’im, waana xukunkii ugu dheeraa ee dambiyada noocan oo kale ah lagu fuliyo taariikhda dalkaas.

Sharci cusub ayaa la ansixiyay sanadka 2019 kaas oo adkeynaya xukunka ugaadhsiga ama ka ganacsiga noocyada halista ah.

Pascal Ochiba ayaa la xidhay bishii January ee sanadkan isagoo wata labo xabbo oo fool maroodi ah, oo miisaankoodu uu ku dhow yahay 10kg (22lb).

Qaadiga maxkamada ayaa sheegay in Ochiba, oo ah dambiilihii ku celceliyay, uu u qalmo xabsi daa’in si loo ilaaliyo mustaqbalka duurjoogta.

Garsooraha maxkamadda gaarka ah ee dalka Uganda Gladys Kamasanyu oo xukunka ridday ayaa yidhi “dembiyada sharci-darrada ah ee la xidhiidha haysashada noocyada la ilaaliyo ayaa ah kuwo aad u badan, waxaana loo baahan yahay in la xakameeyo”, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay hay’adda duurjoogta Uganda (UWA).

“Tani waa guul taariikhi ah oo aan ka gaadhmay dagaalka aan kula jirno ka ganacsiga duurjoogta sharci darrada ah ee Uganda, waa inaan ku dadaalnaa waqtigeena sidii aan u ilaalin lahayn duur-joogtayada haddii kale taariikhdu waxay nagu xukumi doontaa si adag,” ayuu yidhi agaasimaha fulinta ee UWA Sam Mwandha.

Bishii Sebtembar ee sanadkan, labo nin ayaa lagu xukumay min sideed sano oo xadhig ah, kadib markii lagu helay inay dileen lix libaax oo naadirka ah oo geed fuulay.

Waxaa duurka ku hashay in ka badan 7,900 oo maroodi ah gudaha Uganda – kuwaas waxaa ka mid ah kaynta iyo maroodiga savannanah.