Dowladda Ethiopia oo soo abaabushay Bannaanbaxyo waaweyn

Ethiopia-(Berberanews)-Guud ahaan magaalooyinka dalka Itoobiya waxaa saaka ka billowday banaanbaxyo  waawayn oo dowladdu ku sheegtay in looga soo horjeedo waxay ku tilmaantay farogalinta reer galbeebku ku hayaan arimaha gudaha ee dalka Itoobiya.

Haddaba banaanbaxyadan oo ay soo abaabushay dowladda Itoobiya ayaa saaka ka billowday magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya, sidoo kale dhammaan degaannada dalka Itoobiya ayaa iyaguna banaanbaxyo sidan oo kale ah maanta laga samaynayaa.

Dadkan banaanbaxyada samaynaya ayaa wata boodhadh ay ku qoran yihiin erayo ka tarjumaya dareenkooda ku saabsan sida ay uga soo horjeedaan cid kasta oo isku dayda inay soo faragaliso wixii khuseeya arrimaha gudaha ee dalka Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa banaanbaxyadan uga dan leh sidii ay dalalka shisheeye u tusi lahayd in aan marnaba lasoo dhex gali karin waxa ka soconaya gudaha dalka Itoobiya, ee dowladdu iyadu xalinsanayso wixii dhibaato ama khilaaf ah ee ka taagan gudaha dalka Itoobiya.

Banaanbaxyadan ayaa kusoo beegmaya xilli dalalka reer galbeedku iyo hay’adaha caalamigu ay dowladda Itoobiya ku cadaadinayeen sidii ay dowladdu u joojin lahayd colaadda ka taagan gobolka Tigray, isla markaana xabadda joojin u samayn lahayd, una oggolaan lahayd in miiska wada hadalka la isugu yimaaddo.