William Ruto oo xil sare u magacaabay Masuul Somali ah

Kenya-(Berberanews)-Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa Amiin Maxamed Ibraahim u magacaabay xilka Agaasimaha Waaxda Dambi-baadhiska ee Kenya, oo magaceeda loo soo gaabiyo DCI.

Amiin ayaa horay u ahaa madaxa boolika ee wasaaradda Arrimaha gudaha.

DCI-da Kenya ayaa dowladda u qaabilsan dambi baadhista guud, waxa ayna dabagal ku sameysaa dhammaan fal-dambiyeedyada shacabka iyo kuwa lagu tuhmo siyaasiyiinta.

@bbc