Ciise muuse ama mucaarad ha noqdo ama muxaafid wax la jooga ha noqdo

Ciise muuse halkan 11xil bay ku leeyihiin laba agaasimeyaal guud yihiin oo aan awood lahayn, badhasaab degmo C ah jooga, wasaaradaha ay joogana DGyadu waxay kala yihiin B iyo C oo xataa A maaha.
11kaas xilna madaxweyne siilaanyo ayaa afar xil uga tagay oo madaxweyne muuse waxa uu ku daray 7 xil oo aan qiimo badan lahayn.
Beesha sacad muuse inta xil ee ay berbera ama gobolka saaxil ka hayso iyo inta ciise muuse ka hayo qaranka oo dhan baa isleeg.

Xilalka ay beesha sacad muuse ka hayso gobolka saaxil oo ah deegaan ciise muuse khaas u leeyahay.

  1. badhasaabka gobolka.
  2. taliya sirdoonka.
  3. maamulaha kastamka.
  4. taliya qaybta ee cidamada qaranka.
    5.taliye xigeenka xabsiga weyn.
    6.taliyaha ilaalada cashuraha ee kastamka.
    7.maamulaha baanka dhexe.
    8.maareeyaha freezoneka.
    (Xilalka kale ee aan saamaynta lahayna waa ciiddaas iyo camaarkaas).
    Waxa aan garan waayay sababta ciise muuse dhalinyartiisa, odeygiisa iyo habartiisuba muxaafidka ku yihiin iyaga oo aan waxba la joogin, waxa aan garanayaa suladiin maalin walba hor fadhiya madaxtooyada oo aan laga furin oo ciise muuse ah( tusaalle waxa kow ii ah ex xildhibaan hore abdinaasir ali shire).
    waxa kale oo aad ogtihiin 12kaa sanno ee xukuumada kulmiye jirtay in ciise muuse oo dhami laba ceel biyood oo ay xataa lacagtii sahanka iska bixiyeen in loo qodo ay baryayeen ceelsha masalaha gorod iyo dacar budhuq.
    (War may haayadaha ula tagaan hadday qodan kariwaayeen).

Anigu garan maayo wax lagu taageero oo madaxweyne muuse gashaday beesha ciise muuse oo aan ka ahayn godob sokeeye iyo iyaga oo meel walba ka taagan faro madhan, mashaariicda qaranka waad ogtihiin oo gabiley wabeyaal baa loo qariyaa, libraryaa loo dhisaa, jamacado qaran baa loo taaga.
Halka berberi tahay meesha ugu dakhliga badan uguna kaabayaasha liidata jaamacad iyada iskadaayo.

Afar beelood oo waaweyn oo ka mid ah beesha ciise muuse baa madaxweyne biixi xilal u doontay, madaxweyne biixi xilalkii waxa uu u magacaabay qaar ka mid ah beesha isaga xigta ee sacad muuse( waad i xasuusiseen oo kale) hhhhhh anigu maalintaa waxa aan ku idhi beesha ciise muuse sulaadiin ka mid ah:- noqda muxaafid wax la jooga mashaariic loo fuliyo iyo xilalba ama noqda mucaarid la iska eego.
Lkn hal baarqab arkaysaa ma godlato.

FG: xilalka ay beeshu doonatay ee madaxweyne biixi u magacaabay reerkiisa tusaalle ahaan waxa ka mid ah xubinta commission ka doorashooyinka qaranka oo doorkii hore sacad muuse hayay kanna sacad muuse uun baa loogu celiyey, xilalka agaasimaha guud ee banka dhexe iyo gudoomiye ku xigeenka isla banka dhexe.
Way badan yihiin xilalka uu yidhi madaxweynuhu waad i xasuusiseen e intaas aan ku soo koobo qoraalkan.

Ciise muuse ama mucaarad ha noqdo ama muxaafid wax la jooga ha noqdo.

Fg: sacad ali shire waa nin qaran baa la yidhaa oo tirada kuma darin. Markaa 11xil bay haysaa 4 siilaanyo ka tagaybaa ku jira.

Run sheeg.
W/Qoray. Abdi Qani Ahmed. Berbera