Somalia oo hub iyo ciidan xoojina u dirtay furimaha dagaalka Alshabaab

Somalia-(Berberanews)-Dowladda Somalia ayaa ciidamo uyo saanad milateri oo xoojin ah u dirtay goobaha uu dagaalka ku dhexmarayo ciidammada dowladda iyo Kooxda Alshabaab.

Ciidamo oo aad u hubeysan ayaa ka ambabaxay magaalada Muqdisho, islamarkaana la sheegay iney kusii jeedan furimaha hore ee dagaalka iyo deegaanada ay kaga sugan yihiin Al-shabaab gobolada Sh/dhexe, Galgaduud iyo Mudug.

Ciidamadaan oo shalay  ka ambabaxay Muqdisho ayaa la sheegay iney gaadheen qeybo ka mid ah gobolka Sh/dhexe, waxaana Saraakiisha Hoggaamineysa ciidamada ay sheegeen in halkaasi ay ka bilaabayaan howlgalada ka dhan ah Shabaab.

Waa ciidankii labaad ee bishan gudaheeda ka ambabaxa magaalada Muqdisho si ay uga qeyb galaan howlagalada ka dhanka ah Shabaab ee ka socda gobolada qaar, waxaana ciidankan iyo gadiidka dagaal abaabulkoda uu ka socday maalmahii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho.