Liibiya: Muhaajiriin la toogtay ka dibna lagu gubay doon

Liibiya-(Berberanews)-Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday mas’uuliyiinta Liibiya in baadhitaan wax ku ool ah lagu sameeyo dilka 15 muhaajiriin ah oo lagu gubay meel u dhaw magaalo xeebeedka Sabratha.

Meydadka muhaajiriinta ayaa Jimcihii laga helay doon ku gubatay meel u dhaw xeebta magaaladaas.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Liibiya ayaa sheegay inay u badan tahay in muhaajiriintaas ay ku dhinteen dagaal u dhexeeyay laba koox oo “magafayaal” ah.

Liibiya ayaa sanadihii la soo dhaafay marin muhiim ah u ahayd dadka doonaya inay tahriib ku galaan Yurub, gaar ahaan Talyaaniga.

Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday xukuumadda Liibiya inay baadhitaan ku samayso falkaas, ayna sharciga la tiigsato kuwa ka dambeeyay.

Warbaahinta Liibiya ayaa ku warramaysa in kadib muran dhexmaray laba koox oo “magafayaal ah” ay mid kamid ah toogatay dadkaas tahriibiyay, kadibna ay doonta ku gubtay.

Dadka la laayay ayaa la sheegay inay u badan yihiin Afrikaan ka yimid Koonfurta qaaradda.

Weli waxaa xooggan doorka tahriibinta ee ay leeyihiin magafayaasha ka shaqeysta magaalada galbeedka Liibiya ku taalla ee Sabratha oo qiyaastii 300 KM u jirta jasiiradda Talyaaniga ee Lampedusa.

Hay’adaha xuquuqda aadanaha iyo warbaahinta ayaa marar badan tabiyay in kooxahaas ay qaab bani’aadannimada ka baxsan ay ula dhaqmaan dadka doonaya inay ka tallaabaan badda Mediterranean-ka.  

“Dhibaatadan ugu dambeysay waxa ay na xusuusinaysaa sida muhaajiriinta iyo dadka magangelyo doonka ah aanay u haysan cid ku difaacda Liibiya iyo tacaddiyada ballaadhan ee ay geystaan kooxaha dadka tahriibiya iyo dembiilayaasha kale ee u baahan in si degdeg ah looga hortago, loona maxkamadeeyo,” ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Liibiya.

Tan iyo bilowgii sanadkan, in ka badan 14,000 oo muhaajiriin doonayay inay ka tallaabaan badda ayaa la qabtay, kadibna lagu celiyay Liibiya, sida ay Isniintii shaacisay Hay’adda Socdaalka Adduunka.

Ugu yaraan 216 qof ayaa sanadkan dhintay xilli ay doonayeen inay ka gudbaan badda Mediterranea-ka, halka 724 kale la la’ yahay, ayna u badan tahay inay geeriyoodeen.

Baadari Pope Francis ayaa ku tilmaamay baddaas xabaalaha ugu weyn caalamka.

“Maanta badda Mediterranean-ka waxa ay tahay xabaalaha ugu weyn dunida,” ayuu yidhi isagoo ula jeeday kumannaanka qof ee ku dhintay baddaas xilli ay doonayeen inay gaaraan Yurub.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay inay dembi tahay in loo gurman waayo muhaajiriinta badaha ku dhamaanaya, isagoo dalalka ugu baaqay inay soo dhaweeyaan dadkaas baahan.

@Bbc Somali