Raysal-wasaare Abiy Axmed oo lagu Soo Dhaweeyay Beeraha Dalxiiska ee Dawlad Deegaanka Soomaalida

Madaxda DDS oo Raysal-wasaaraha Ethiopia Soo Dhaweyn Ballaadhan ugu Sameeyey Deegaanka Dhagaxle

Guddiga Fulinta Xisbiga Barwaaqo ee Dalka Ethiopia oo uu Horkacayo Raysal-wasaare Abiy Axmed ayaa Booqasho ku Tagay Beerta weyn ee Dalxiiska ee Ganacsade Xaaji Axmed-yaasiin Maxamuud Cabdilaahi Iyo Mashruuca Iskaashatada beeralayda Maan-Raac ee Deegaanka Dhagaxle.

Weftigan Sare ee ka socda Xisbiga Talada Dalka Ethiopia haya ee Barwaaqo, waxa Hadhimo Sharafeed Heer-sare ah loogu Sameeyay Isla Beerta Beerta weyn ee Dalxiiska ee uu leeyahay Ganacsade Xaaji Axmed-yaasiin oo ay In Muddo ah ku Nasteen.

Geesta, kale waxa ay Weftigui booqdeen Xerada Geela Faarax ee deegaanka Caro-caska oo ka tirsan Degmada Shabeelay halkaasi oo loogu caano-lisay, qadar nasasho ahna ay ku qaateen.

Booqashada Raysal-wasaaraha dalka Ethiopia iyo Madaxda Dawladda Deegaanka ee ugu ugu horeeyo Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar, ayaa ahayd mid ay ugu kuur galayeen xaaladda dadka Iyo Deegaanada Beeralayda oo ay aad ugu amaaneen wax-soo-saarka dalagyada kala duwan, xilli dunida inteeda badan ay wakhtigan ka jirto cuno yaraan.