Nigeria: 76 qof oo ku dhintay doon ay ka fuuleen daadad kusoo rogmaday

Nigeria-(Berberanews)-Ugu yaraan 76 qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen shil doon oo ka dhacay gobolka Anambra ee koonfur-bari Nigeria.

Doontan oo ay saarnaayeen ugu yaraan 80 qof ayaa Jimcihii shalay ku degtay deegaanka Ogbaru ee gobolka Anambra.

Inta badan dhibanayaasha ayaa ahaa haween iyo caruur, iyagoo isku dayayay inay gaadhaan meel nabdoon ka dib markii ay ku dhufteen biyo daad ah.

Madaxweyne Muhammadu Buhari ayaa tacsi u diray qoysaska dadkii ku dhintay shilka “murugada leh”.

Waxa uu sidoo kale amray in dib u eegis lagu sameeyo tallaabooyinka badbaadada ee guud ahaan nidaamka gaadiidka biyaha ee dalka, wuxuuna sheegay in adeegyada degdegga ah ay tahay inay sameeyaan wax walba si ay ula xisaabtamaan kuwa maqan.

Mr Buhari wuxuu ugu baaqay hay’adaha dowladda “inay hubiyaan hab-maamuuska badbaadada doonyahaan gaadiidka si loo hubiyo in mustaqbalka laga fogaado dhacdooyinkan oo kale”.

Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in dadkii la socday doonta ay ku sii jeedeen suuqa Nkwo ee Ogbakuba ka hor inta aanay degin.

Saraakiisha qaar ayaa sheegay in doonida ay cilad ka soo gaadhay matoorka ayna ku dhufatay buundada ka hor intii qanay qalibmin.

Thickman Tanimu, oo ah isku duwaha konfur-bari ee Wakaaladda Maareynta Xaaladaha Degdegga ah ee Qaranka, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP: “Heerka biyuhu aad buu u sarreeyaa, aad buuna khatar ugu yahay hawlgal goobid iyo samatabbixin oo siman”.

Guddoomiyaha gobolka Anambara Charles Soludo ayaa intaa ku daray in shilkan uu argagax ku abuuray dadka deegaanka iyo dowladda gobolka, isagoo tacsi u diray qoysaska dhibanayaasha.

Shilalka doomaha ayaa ku badan Nigeria, inkastoo badi lagu eedeeyo culeyska xad-dhaafka ah ama tallaabooyinka badbaadada oo liita.