Warbixintii Beesha Caalamka ee Muddo kordhinta doorashooyinka

Waxa soo baxaya baaqyo ay beesha caalamku soo saareyso oo ay soo diidan yihiin mudada golaha Guurtida jamhuuriyada Somaliland u kordhiyeen madaxweynaha, sidoo kale waxa ay ku talinayaan in lagu saleeyo mudo kordhinta talo bixinta komishanka doorashooyinka qaranka. 

Ma xuma oo nuxurka soo jeedintu waxa uu ku qotomaa uun wadatashi ( consensus) in laga yeesho ama la isla ogolaado mudada korodhsiimada sidoo kale waxa ka muuqda ixtiraam ay u hayaan nidaamka doorashooyinka iyo hanaanka dimuqaraadiga ah ee jamhuuriyada Somaliland oo sidii soomaaliya ma nihin dal amaro la dul dhigayo. 

MUDO KORDHINTA MAXAA KEENAY AMA MAXAA SABABAY IN DOORASHADII MADAXWEYNUHU XILIGEEDII KU DHICI WEYDO ? 

Masuuliyada in dalka doorasho ka qabsoonto waxa leh xukuumada oo uu gadhwadeen u yahay madaxweynaha talada hayaa , hayeeshee waa in is faham iyo u diyaar garow dhinacyadii doorashooyinka ka qayb galayey marwalba jiraa. 

Laga soo bilaabo ku dhawaaqistii doorashadii madaxweynaha ee 13 Nov 2017 dhacday waxa soo bilaabmay khilaaf iyo murug ka taagnaa gudigii doorashadaasi qabtay oo mucaaridku kalsoonidii kala laabteen arinkaasi waxa uu qaatay laba sanadood oo ka dhinaa mudo xileedkoogii. 

Haddana waxa mudo 9 bilood ku dhow la isku haystay qaabka komishanka cusubi noqonayo iyo xubnihii la soo magacaabay oo aan badhkood buuxinin shuruudihii u yaalay ama laga rabay xubinimada komishanka oo waliba dhinaca madaxweynaha ay ka yimaadeen. 

Markii laga heshiiyey waxa dalka u qabsoomay doorashooyinka isku sidkanaa ee dhacay 31-May-2021 oo gabi ahaan dhaqaalihii lagu qabtay xukuumada jamhuuriyada Somaliland bixisay , markii doorashadii dhamaatay ee si wanaagsan u dhacday waxa soo baxay murug komishanka doorashooyinka dhexdiisa ah. 

Markii khilaafkaasi dibada usoo baxay ayaa waxa yimi in la ogaaday in musuq-maasuq baahsani komishanka doorashooyinka qaranka ka dhacay, dabadeed madaxweynaha ayaa hantidhawr galiyey markii dhinacii isaga taabacsanaa lagaga adkaaday komishanka dhexdiisa. 

Waxa ay u muuqatay marka aynu eegno qaabkay iskuwada casileen in wax ku soo baxeen oo ay kala doorteen in ay kuraasida baneeyaan iyo in sharciga la isla tago , adigu si ay ahayd ba meesha way ka baxeen , mudo bilo ah ayuu dalku bilaa gudi doorasho ahaa. 

Waxaa la soo magacaabay gudigani hada jooga oo si degdeg ah golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland u ansixiyeen qayb ka mid ah halka qaarna diideen waxaana halkaasi ku lumay mudo ,xili ay ka hadhsanayd mudo 4 bilood ka yar ayaa gudigaasi soo dhameystirmeen. 

Haddaba marka aynu eegno mudada ay qabsadeen komishanka doorashooyinka qaranku laftooda ayaa deg-degay oo may aheyn in ay mudo cayimaan ilaa uu soo dhamaado kala saarista ururada siyaasada ee ay wadaan gudiga diwaangalinta ururada siyaasada iyo axsaabta qaranku. 

Sababta oo ah marka gudigaasi hawshaasi soo dhameystirto waxa loo soo gudbinayaa gudiga doorashooyinka qaranka si ay ugu qabtaan doorashooyinka inagu soo fool leh , markaasi ayey u eekayd in ay soo saaraan jadwal doorasho ( elections timeline) . 

DOORASHADEE LA QABANAYAA IYO SIDEE LOO QABANAYAA. 

Xeerka lagu ururiyey doorashooyinka qaranka ee Xeer lr-91/2021 ayaa sheegaya in komishanka doorashooyinka qaranku hal doorasho iyo wax ka badan mar wada qaban karaan , markaa ayey sameysan lahaayeen ama ku dhawaaqi lahaayeen qaabka doorashada iyo mudada ay ku qabanayaan. 

Mar hadii xiligani la soo gaadhay mudada madaxweynaha komishanka qaranku ku taliyeen in loo kordhiyo waxa ay ahayd 6 bilood oo kali ah waayo waxay sheegeen in ay ka bilaabmayso 1-Oct-2022 xikigaasi oo mudo xileedka madaxweynaha u hadhsani yahay 2 bilood iyo 14 maalmood. 

Isku soo wada xoori waxa hubaal ah in jidwalka doorashooyinka wax iska badeli doonaan sidoo kale fursada kaliya ee u banaan sadexda xisbi qaran ay tahay in ay galaan tartanka doorashada ururada siyaasada iyo axsaabta qaranka maadaama mudo xileedkoogii gabaabsi yahay . 

Mohamed Abdi Jama

Mohamed Dhimbiil