Jabhadda Frud oo qudha k jartay 7 ka mid ah Ciidamada Djibouti

Djibouti-(Berberanews)-Inta la xaqiijiyay todobada askari oo ka tirsan ciidammada Milatariga dalka Jabuuti ayaa geeriyooday halka 4 kalana ay dhaawac noqdeen, kadib markii ay jabhadda Canfarta ee Furud  ay weerartay ku qaadday Saldhig ay leeyihiin Milatariga Jabuuti oo ku yaalla deegaanka Garabtisan oo ka tirsan Gobolka Tadjourah.

Sidoo kale lix askari oo kale ayaa la la’yahay meel ay sal iyo raad dhigeen, sida ay shaacisay Wasaaradda Difaaca ee dalka Jabuuti.

Ciidammada gaarka ah ee dalka Djibouti, ayaa la sheegay inay gaadheen goobta weerarku ka dhacay,mana jiraan wax war ah oo kasoo kordhay.