Hargeysa: Ciidanka Booliska oo qabtay nin ku eedaysan dilka ilme yar

Hargeysa-(Berberanews)-Ciidanka booliska Somaliland  ay gacanta ku soo dhigeen Eedeysane Siciid Ismaciil Xassan oo  ku eedeysan inuu dilay gabadh yar oo  lagu magacaabi jiray Nashaad Sakariye Xassan oo 2 jir ah.

Dilkan ayaa ka dhacay Xaafada Sheekh Nuur ee Magaalada Hargeysa , waxaana  eedeysanuhu dilka inantan yar u istacmaalay Midi uu ku gawracay.

Ciidanka Booliska JSL waxay mar walba u mahad-naqayaan Shacabka somaliland ee xogaha la soo wadaaga