Ciidammada Puntland oo lagu xasuuqay Galgala

Boosaaso(Berberanews)– Wararka naga soo gaadhaya deegaanka Sugure oo ku dhow tuulada Galgala oo 40km dhinaca Koonfur Galbeed kaga beegan magaalada Boosaaso, ayaa sheegaya in halkaas qaraxyo lagula eegtay ciidamo ka tirsan Puntland.

Sida ay xaqiijiyeen dad goob-joogayaal ah, in ka badan 5 askari oo kamid ah ciidamada mariiniska Puntland, ayaa ku geeriyooday labadaas qarax, halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen.

Qaraxyaaan oo ahaa kuwa dhulka lagu aaso, ayaa lala eegtay laba gaadhi oo nooca dagaalka ah oo ay la socdeen ciidamadan, kuwaas oo u socday saldhigyada ay ciidamada Puntland ku leeyihiin agga buuraleyda oo ay ku hor fadhiyaan maleeshiyada Al-Shabaab.

Weerarkan oo dhacay saakay, ayaa ciidamada lala eegtay xilli ay socdaal ku jireen. Waxaana dhimashada iyo dhaawaca loo qaaday magaalada Boosaaso, halkaas oo xaaladooda caafimaad lagu dabiibayo.

Ururka Al-Shabaab oo saldhiyo qarsoodi ah ku leh buuraha Galgala, ayaa loo maleynayaa inay ka dambeeyaan weerarkan, iyagoo weeraro noocan ah hore uga geysteen buuralayda gobolka Bari.

Laamaha amnig ee Maamul goboleedka Puntland weli kama ayna hadlin weerarkan khasaaraha xooggan dhaliyay ee lala eegtay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Puntland.

Weerarkan, ayaa ku soo beegmay, xilli taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland uu maalmihii ugu dambeeyay kormeer ku marayay ciidamada ku sugan saldhigyada ku yaalla buuralayda gobolka Bari.

Kooxda Al-Shabaab la rumeysan yahay inay maleeshiyo badan geysay buuraleyda Galgala, waxaana sidoo kale halkas ku sugan kuwa kale oo ka tirsan kooxda Daacish oo aan xidhiidh fiican kala dhaxeyn kooxda Al-Shabaab.