Somaliland: Wiil ku go’doonsan God dahabka Laga Qodo Gobolka Sanaag

Sanaag-(Berberanews)-Nin dhallinyaro ah ayaa tan iyo xalay ku go’doonsan god uu ku dhacay oo nooca dahabka laga qodo ah, kaas oo ku yaalla deegaanka Milxo ee buuraleyda Calmadow ee gobola Sanaag.

Ninka godka ku dhacay oo ka mid ah dadka godadka dahabka ka shaqeeya, waxaa lagu magacaabaa Maxmed Saciid Cali. Dadka deegaanka ayaa wada dadaallo ay isugu dayayaan inay ku badbaadiyaan.

Sida warar aan helnay ay sheegayaan ilaa hadda ma jiro gurmad dhanka dowladda ah oo gaaray halkaas.

Maxamed Daahir Jaamac oo jooga Milxo ayaa BBC Somali u sheegay in xalay uu mid ka mid ah godadka ku dumay ninkaas dhallinyarada ah, xilli ay raggii kale ka tageen goobta.

“Labo iyo tobankii habeennimo iyo meelahaas ayay ahayd. Ilaa xilligaas ciddii ninkaa ku duntay ayaa ilaa xilligan la qodayaa,” ayuu yiri Maxamed.

Ninka nolol iyo geeri laguma oga, mana u muuqdo dadka ku mashquulsan badbaadadiisa.

Maxamed wuxuu yiri: “Isagii [ninka godka ku jira] ma aragno oo ciid baa dul martay. …ilaa labaatan mitir buu awdmay. Godkiiba wax yar baa ka soo haray, wuu duugmay.”

Wuxuu intaa ku daray in rag gaaraya 600 oo nin ay ku howlan yihiin qodiska godka. Howsha waxaa loo adeegsanayaa gaadiid wiishash ah.

Maxamed wuxuu tilmaamay inta badan ciiddii ku aasantay godka inay ka qaadeen, isla markaana lagu dhow yahay inta hoose ee uu ninka ku jiro.

Wuxuu xusay in godadka dahabka oo hoos u qodan qiyaas ahaan 40 mitir ay deegaankaas ku yaallaan muddo lix ilaa toddobo sano ah.

Waa godad dadka gudaha u galaya ay xargo adeegsadaan ama jaranjarooyin, mararka qaarna wiishash ayaa dadka shaqaalaha ah lagu geeyaa salka hoose.

“Ilaahay baa badbaado haya. Laakiin, ninka ciidda intaas tiro la eg ee awdan anigu nolol in loogu tagayo ku maleyn mayo,” ayuu yiri Maxamed oo wareysiga na siiyay qiyaastii 1:30 pm ee xilliga Bariga Afrika.

Wuxuu sheegay in dadka deegaanka aysan u kala harin howsha badbaadada, iyadoo lagu dadaalayo nolol iyo geeri kii loogu tagaba in ninkaas godka laga soo saaro.

Maxamed ayaa xusay in shilalka ka dhaca godadka ay ku badan yihiin deegaanka. Wuxuu xaqiijiyay dad ku dhow toban oo Soomaali iyo Oromo isugu jira oo halkaas ka shaqeeya inay horay ugu dinteen godad ku dumay.

Waxaa jira dhacdooyin hore oo dad godadka ku dahabka ku dhacay ay suurtageli waysay in la soo badbaadiyo, taas oo sababtay in markii dambe lagu aasay, maaddaama aysan deegaannadaas lahayn adeegyada iyo agabka sahla gurmadka degdegga ah.

@Bbc Somali