Musharraxa Waddani oo soo dhaweeyay Baaqa Beesha Caalamka

Hargeysa-(Berberanews)-Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa soo dhaweeyay baaqa beesha caalamku kasoo saareen khilaafka siyaasiga ah ee ka dhashay doorashooyinka iyo muddo kordhinta xukuumadda.

CABDIRAXMAAN CIRRO: “Waxaannu tixgelinaynaa hadallada saaxiibadda Somaliland ee caalamiga ah ee ay kaga falcelinayaan muddo-kordhinta halka dhinac ah iyo kuwa aan loo baahnayn. Waxa kale oo aannu soo dhowaynaynaa baaqyada dambe ee ay ku dalbanayaan in la soo afjaro ismari-waaga siyaasadeed ee uu soo abaabulay xisbiga talada haya.
Waxaannu si buuxda u oggolnahay oo aannu go’aansannay in aannu samayno khariidad cad oo la isku raacsan yahay oo ku salaysan doorashooyinka xaqa ah oo ku qotoma dastuurka, shuruucda doorashooyinka, iyo waqtiga farsamada ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka.”