Faysal: Waa fursadii ugu dambaysay ee loo jeediyay Madaxweynaha sharcidiidka

Hargeysa-(Berberanews)-Guddoomiyaha Xisbigga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa si diiran usoo dhaweeyay baaqa ay soo saareen beesha Caalamka ee Somaliland ka taageerra dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka.

“Baaqa ay soo saareen dalalka EU-da ee inagana caawiya sanduuqa ( SDF) iyo Dalka Maraykanka oo wadashaqaynta tooska ah inala bilaabay, Waa fursadii ugu dambaysay ee loo jeediyay Madaxweynaha sharcidiidka ah.anagu waanu soo dhawaynaynaa sidaanu horeba xalkasta usoo dhawayn jirnay.” sidaa waxa yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.