Ethiopia; Raysal-wasaare Abbiy Ahmed oo Jigjiga jooga

Jigjiga (Berberanews)- Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiyi Ahmed iyo wefdi balaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa maanta gaadhay magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida.

Wefdiga ra’iisal wasaare Abiy Ahmed uu hoggaaminayay, ayaa ka kooban ku xigeenkiisa ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya Dhamake Mekonin iyo Ku xigeenka hoggaanka Xisbiga Barwaaqo Aadan Faarax.

Wefdiga Abiyi Axmed, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Jigjiga ku soo dhaweeyay Madaxwaynada dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar iyo xubno kamid ah golihiisa wasiirada.

Waxaa sidoo kale, iyana magaalada Jigjiga gaadhay wefdi wasiiro ah oo ay ka mid yihiin Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide, Wasiirka Wasaaradda difaaca ee Itoobiya Dr. Abraham Balay, Wasiirka wasaaradda gaadiidka dalka Itoobiya, Degmawit Mogos iyo Wasiiro kale.

Sidoo kale, waxaa iyana gaadhay magaalada Jigjiga Madaxweynayaasha Degaannada Itoobiya, waxaana dhammaan wefdiyadan garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida.

Wefdiyadan kala duwan ee ka kala timid deegaannada dalka Itoobiya ee maanta soo gaadhay magaalada Jigjiga, ayaa ujeedka socdaalkoodu la xidhiidhaa ka qeybgalka Shirka guddiga fulinta ee Xisbiga Barwaaqo oo maalinta berri ah lagu wado inuu ka furmo magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida.

Waa markii koowaad ee magaalada Jigjiga lagu qabto Shirweynaha guddiga fulinta ee Xisbiga Barwaaqo, oo ay ka soo qayb galaan dhammaan guddiga fulinta ee Xisbiga Barwaaqo.