Muqdisho (Berberanews)- Hawlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka, ayaa lagu dilay mid ka mid ah horjoogeyaashii ugu sareeyay Al-shabaab.
Sida lagu sheegay war-saxafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, sarkaal lagu magacaabo Cabdullaahi Nadiir oo ahaa madaxii dacwada ee Kooxda Al-shabaab ahaana mid ka mid ah kuwii awoodda badan Al-shabaab, ayaa lagu dilay duqayn ka dhacday gobolka Jubbada Dhexe.
Dowladda Soomaaliya, ayaa sheegtay inuu sarkaalkaan hore u soo noqday madaxii shuurada iyo maaliyadda kooxda Al-shabaab, wuxuu ka mid ahaa aasaaseyaasha kooxda Al-shabaab.
Dowladdu waxay sheegtay inuu ahaa ninkii loo qorsheynayay inuu beddelo hoggaamiyaha Al-shabaab Axmed Diiriye Cali oo la sheegay inuu xanuunsan yahay muddo sanado ah.
Sarkaalkan la dilay, ayaa madixiisa waxaa saarnayd lacag, wuxuuna kamid ahaa kuwa ay sida wayn u doondoonaysay dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ah.
Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay inay ka go’an in la ciqaabo kuwa ku hawlan dhagarta Shacabka Soomaaliya.
