Masuulliyiin Waddani ah oo Maxkamadda la hor keenay

“Yuusuf Tadhase Ciyaal yaryar buu igu Soo diray” Agaasimeha Guud Ee Ciyaaraha

Hargeysa-(Berberanews)-Xoghayaha Ciyaaraha ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani oo uu wehelinayo Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ee Gobolka Maroodi Jeex ayaa maanta la hor keenay Maxakamada.

Waxa xusid mudan in Agaasimaha Ciyaaraha ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Cabdirashiid Caydiid oo loogu yeedhay markhaati ahaan dambiyadda lagu soo oogay uu sidoo kale goobta ka sheegay in uu dhibane u yahay Yuusuf Tadhase.

Waxa uu Cabdirashiid Caydiid ku doodayaa in qoraalo uu Tadhase ku baahiyay Baraha bulshadu ay sababeen in dhalinyaro ay gacan saareen.

Balse agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland Cabdjrashiid Caydiid ayay dhawr bilood ka hor dagaalameen Tababare ku xigeenka cusub ee maroodi Jeex oo uu magacabistooda hor joogsaday, maadaama uu xilligaasi cuskaday in  aanay sharciyad ku fadhiyin, maadama Isu-duwaha Ciyaaraha ee Gobolka Maroodi Jeex Cabdiraxmaan Jaamac Rooble uu Fasax Caafimaad ku maqan yahay.

Waxa Diyaariyay Maxamed Cali