Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay muddo-kordhinta loo sameeyey

Hargeysa -(Berberanews)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in aanu jirin xeer qeexaya waxa la yeelayo haddii doorashooyinka ururradu xilligooda dib uga dhacaan, balse xal loo hayo doorashada madaxweynaha iyo Guurtida.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay haddii xisbiyada waqtigoodu dhammaado in aan loo kordhin karayn,  khasabna tahay in doorashadooda la galo, xeerkii muddada loogu kordhin lahaa oo aan jirin awgeed.
“Doorashooyinku haddii ay qabsoomi waayaan, saddex doorasho ayaa yaal: Ta 1aad ee xisbiyada, haddii ay 10 sanno ka dhammaato xeerka uu baarlamaanku meelmariyay muu sheegin haddii waqtigooda la qaban waayo halka loo marayo, markaa qaranka waxa ku waajib ah in wakhtigeedii la qabto.” 
Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu carrabka ku adkeeyey in doorashooyinka madaxweynaha iyo Guurtida sharcigu sheegay halka loo marayo haddii ay waqtigoodii ku qabsoomi waayaan, isaga oo uga jeeda in loo kordhin karayo muddada, maadaama uu jiro xeer sidaa tilmaamaya.
Madaxweyne Biixi waxa uu sheegay in ay sharci tahay in 10kii sannoba mar la furo ururrada siyaasadda, isla markaana doorashooyinku sida ay u soo kala horreynayaan loo raacayo sharciga oo loo sameeyey hay’ado ay ka mid yihiin Guddida Diiwaangalinta Ururrada Siyaasadda iyo Komishanka Doorashooyinka.

Waxa uu sheegay in hay’adaha doorashadu haystaan madaxbannaani buuxda oo sharcigu siiyay, isla markaana aanay cidna ku farogalin karin shaqadooda, isaga oo intaa ku daray in nabadda Somaliland ay tahay mid taam ah, doorashooyinkiina la galayo.