“Dalku wuu deggen yahay doorashadana wuu gelayaa” Madaxweyne Biixi

Madaxweyne Biixi oo ka hadlay doodaha siyaasiga ah ee mucaaridka, jidka loo marayo qabashada doorashooyinka iyo muddo-kordhinta cusub

Hargeysa -(Berberanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay muranka ka taagan qabsoomidda doorashooyinka kalkoodu taagan yahay, jidka loo marayo qabashadooda iyo muddo-kordhinta cusub ee loo sameeyey Madaxweynaha iyo Guurtida, waxaannu soo jeediyey in dhammaan doorashooyinkaas loo daayo hay’adaha sharciga ah ee ay shaqadooda tahay.

Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in doorashooyinka taagan kala horraysiintooda loo maro waddooyin sharci ah, kuwaas oo loo daba fadhiyo hay’adaha arrimahaas qaranka u qaabilsan.
“Dalku wuu deggen yahay doorashadana wuu gelayaa, habkii loo geli lahaa iyo hay’adihii doorashada qabanayeyna way dhan yihiin, intaas oo doorasho ayeynu u baahannahay waxayna u kala horreeyaan sida sharcigu dhigayo, sida doorashooyinka loo kala hormarinayo waxaynu u doorannay hay’ado, axsaabta tobankii sannoba mar halla furaa la yidhi, waxana aynu u doorannay oo u xilsaaran Hay’adda Diiwaangelinta Ururrada iyo axsaabta siyaasiga ah, guddidaasna Baarlamaankaa u codeeyey, Baarlamaankuna axsaabta oo dhan buu ka kooban yahay, xisbi walbana siyaasaddiisa Baarlamaanka ayuu mariyaa,” ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata, ayaa intaas ku daray, “Waxaynu dhisnay hay’addii doorashooyinka oo u garqaadaysa, xisbiyada tartami doona iyo madaxweyne iyo ku-xigeenka tartami doono, iyadana mucaarid iyo muxaafid waynu ku heshiinnay oo waynu dhisnay, cidda kaliya ee ka hadli karta goorta doorasho la qabanayaana waa labadaas hay’adood, cid farogelin kartaana ama jirto, waxana loo sameeyey xeer adag.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu ka hadlay waxa uu sharcigu ka odhanayo doorashooyinka ururrada oo haatan waqtigoodii la taagan yahay iyo sida aan loogu  hayn qiil la xidhiidha muddo-kordhintooda, waxana uu yidhi, “Saddex doorashaa yaalla, ta koowaad ee xisbiyada haddii muddada tobanka sanno ahi ka dhammaato xeerka Baarlamaanku ansixiyey ee ay ku shaqeeyaan muu sheegin haddii waqtigooda la qaban waayo sida la yeelayo, markaa qaranka waxa ku waajib ah in waqtigeedii la qabto, waayo tixraac kale ma leh. Markaa imminka waxaynu leenahay waqtigoodii baa la qabanayaa.”

Madaxweynuhu waxa uu ka hadlay waxa la yeelayo haddii doorashada madaxweynaha waqtigeeda lagu qaban waayo iyo cidda uu sharcigu arrintaas siiyey, “Madaxweynaha waqtigiisa haddii la qaban waayo Distoorkaa sheegay halka loo marayo oo sharci baa ka yaalla, sharcigu ciddii uu siiyey baana ka talinaysa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.