Addis Ababa: 10 qodob oo ay ku heshiiyeen Abiy Axmed iyo Xasan Sheekh

ADDIS ABABA —(Berberanews)-
Hoggaamiyeyaasha dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya, ayaa ugu baaqay Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay in laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya si loo xaqiijiyo in Soomaaliya ay qalabeyso ciidankeeda si ay wax uga qabato khatarta Al-shabaab, sida lagu sheegay bayaan goor dhoweyd ay wadajir ah uga soo saareen magaalada Addis Ababa, madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisal-wasaare Abiy Axmed.
Warmurtiyeedka oo ka kooban 10 qodob, ayaa sidoo lagu sheegay inay ku heshiiyeen ‘in la kobciyo, lana xoojiyo xidhiidhka laba-geesoodka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya ee ku salaysan ixtiraamka madax-bannaanida dhuleed ee labada dal.”
Bayaankan ayaa lagu xusay in la faray hay’adaha amniga ee labada dal inay iska kaashadaan qaabkii ay isku dhaafsan lahaayeen xogaha, isla markaana ula dagaallami lahaayeen waxa ay ugu yeedheen ‘cadowga labada dal.’
Hoggaamiyehaasha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa sidoo kale bayaankooda ku sheegay inay ku faraxsan yihiin hawlgallada ciidammada xoogga dalka Soomaaliya ee ka dhanka ah Al-shabaab, kuwaas oo ka socda gobollada Hiiraan iyo Galmudug.
Bayaankan ayaa lagu sheegay in labada dawladood ay sameyn doonaan guddi wasiirro isku-dhaf ah oo ka shaqeeya danaha labada dal.
Waxa kaloo Abiy Ahmed iyo Xasan Sheekh ay isku raaceen ballaadhinta gacansiga, dhaqaalaha, kaabbayaasha dhaqaalaha, isgaadhsiinta, iyo iskaashiga siyaasadda iyo amniga.
Arrimaha abaaraha iyo isbedel cimilada ayey sidoo kale isla soo qaadeen, iyaga oo ugu baaqay bulshada caalamka inay kordhiso taageeradeeda wax-ka-qabashada abaaraha gobolka.