Hargeysa-(Berberanews)-Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL Sarreeye gaas Nuux Ismaciil Taani, ayaa maanta dalka ku soo dhoweeyey dufcaddii 5aad ee Ciidanka gaarka ee Komaandoosta (Somaliland Special Force) oo wax ku soo baratay dalka dibaddiisa, waxaanu Ilaahay ugu rajeeyey guul.
Ciidanka oo muddo tababar ku soo qaadanayey dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya, isla markaana soo qaatay tababarro kala duwan ayey qeyb ka ahaayeen tababar weerarka daqiiqado gudahood, xawli ku socod, akhriska khariidadda, xirfadaha dulqaadkan iyo adkaysiga.
Taliyaha Ciidanka Qaranka Sarreeye Gaas Nuux oo ka hadlayey muhiimadda ciidammada Kumaadoostu ayaa sheegay in lagu qiimeeyo wanaagsanaan, daacadnimo, edeb ciidanimo, dulqaad, isla markaana tayadoodu tahay geesinimada, go’aan-qaadashada, nafhurid, waa inuu noqdo qofka ugu horreeya ee wax fahma; kan ugu horreeya ee la qabsada oo ka jawaaba; iyo kii ugu horreeyey ee ka adkaada.”
Taliyaha ayaa sheegay in kumaandoosku yahay askari si gaar wax loo baro, loo xusho, loona qalabeeyo si uu u fuliyo hawlgallo gaar ah.
“Waa dagaalyahanno masuuliyado baaxad leh qaban doona, oo ay ku jirto ka qaybqaadashada hawlgallada degdegga ah ee Somaliland gudaheeda iyo meelaha ka baxsanba,” ayuu sheegay Taliye Nuux.
Tababarrada Ciidanka Qaranka JSL ku qaataan dalka Itoobiya oo xidhiidh soo jireen iskaashi iyo amni inoo dhexeeyo iyo gudaha dalka ayaa sare u kacay mudadii uu xilka hayey taliye Nuux, taasoo ah tallaabo laga dheehan karo horumarka ciidammada kala duwan ee Qaranku ku tallaabsadeen.
Wa-bilaahi Tawfiiq.
Xafiiska Warbaahinta Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland