Puntland oo sheegtay inay gacanta ku dhigtay 150 qarax Al-shabaab la damacsanayd S/land iyo Puntland

Garoowe – (Berberanews)-Ciidammada ammaanka maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland, ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen 150 qarax oo Al-shabaab u qorsheynaysay inay weerarro kaga geystaan magaalooyinka waaweyn ee maamulkooda iyo kuwa Jamhuuriyadda Somaliland.

Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Mudug ee Puntland, gaashaanle sare Muumin Cabdi Shire op warbaahinta kula hadlay magaalada Gaalkacayo galabta, ayaa sheegay inay fashiliyeen laba shakabadood ka tirsan Al-shabaab oo u xilsaarnaa fulinta ilaa 150 qarax oo kooxdaasi doonayeen inay ka fuliyaan Puntland iyo Somaliland.
Hase yeeshee, taliyuhu faahfaahin dheeraad ah kama uu bixin weerarrada ciidankiisu ka hortageen ee uu sheegay in kooxda Al-shabaab la damacsanaayeen magaalooyinka Jamhuuriyadda Somaliland iyo kuwa maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland.
Dhinaca kale, Taliye Shire waxa uu sheegay in sidoo kale ciidankiisu qabteen dhammaan rag ka mid ah xoogagga Al-shabaab oo fuliyey saddex dil oo dhowaan ka dhacay magaaalda Gaalkacyo.
“Al-shabaab waxay dileen saddex qof. Laba qof oo ka mid ah waxay ula jeedeen inay dadka isku dhuftaan. Nin nabaddoon ah baa la dilay. Ujeeddada laga lahaa waxay ahayd in beel kale dusha loo saaro,’ ayuu yidhi taliye Muumin Shire.