Guddida Diiwaangelinta Ururrada oo ku dhawaaqay inuu xidhmay wejiga 1aad

WAR-SAAFADEED:-
Maanta oo ah Arbaca, taariikhduna tahay 28kii September, 2022 waxa hadda oo ay saacaddu tahay 05:00 galabnimo si rasmi ah oo si xidhmay Qaybtii Koowaad ee wejiga labaad ee Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda. 

Qaybtan oo ay ururrada siyaasaddu qabsanayeen Shirweynayaasha ururrada siyaasadda, isla markaana GDUS u soo gudbinayeen caddaymaha kala ah:

(1)  Goobtii iyo taariikhda uu qabsoomay Shirweynahoodu.
(2)  Liiska Xubnaha Golaha Dhexe, Guddida Fulinta iyo magacyada Hoggaanka Ururka siyaasadda ee la doortay waana inay 20% xubnaha loo doortay Golaha Dhexe iyo Guddida Fulinta yihiin haween.
Dhammaan xubnaha loo doortay hoggaanka ururka, waxa la soo raacinayaa macluumaadka oo dhan.

(3) Caddeynta in Ururku ku leeyahay laamo hawlgal ah lixda gobol-doorasho iyo cinwaanadooda.
(4)  Liiska ugu yaraan 1000 (kun qof) xubnood gobol kasta, kuwaasoo haysta warqadda aqoonsiga muwaaddinnimo ama kaadhka codbixinta
(5)  Xeer-hoosaadka Ururka, kaasoo ay ku caddahay ku dhaqanka dimoqraadiyadda, talo-wadaag iyo maamul-wanaag. 
(6) Urur kasta waa inay xeerarkiisu waafaqsan yihiin Dastuurka JSL, Xeer Lr. 14/2011 iyo Xeerarka kale ee dalka.
(7)  Dhammaan qoraallada iyo caddaymaha kor ku xusan waa in GDUS&AAQ loo soo gudbiyo midkiiba saddex (3) nuqul oo si rasmi ah u saxeexan, shaabbadaysan, taariikhaysan, isla markaana tixraac leh.

GDUS waxay si weyn ugu mahadcelinaysaa dhammaan urur-siyaasadeedyada u soo gudbiyey caddaymihii looga baahnaa ee shuruudaha qaybta koowaad ee wejiga labaad, waxayna gudagelaysaa hubinta dhammaystirnaanta caddaymaha ay soo gudbiyeen ururrada siyaasaddu.

Ugu dambayn, GDUS waxay dhowaan soo saari doontaa jadwalka shaqada ee Qaybta Labaad ee Wejiga Labaad.

ALLaa Mahad leh
Guddida Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda & Ansixinta Axsaabta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.