Korea-(Berberanews)-Kuuriyada Waqooyi ayaa gantaal looga shakisan yahay in uu yahay ballistic-ga ay u soo ridday dhanka badda xeebteeda bari, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada Kuuriyada Koonfureed.
Arrintani waxay timid ka dib markii markab laga leeyahay dalka Mareykanka uu gaadhay Kuuriyada Koonfureed si uu uga qeyb galo dhoolatus wadajir ah, iyo ka hor booqashada madaxweyne ku xigeenka Kamala Harris.
Warbaahinta ay maamusho Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in laga yaabo in deriskoodu ay isku diyaarinayaan tijaabinta gantaal ballistic ah oo laga riday badda hoosteeda.
Qaramada Midoobay waxay ka mamnuucday Kuuriyada Waqooyi inay tijaabiso hubka ballistic iyo hubka nukliyeerka.
Ilaalada xeebaha Japan ayaa xaqiijiyay, iyaga oo uga digay maraakiibta inay “feejignaadaan”. Waxay sheegtay in shaygu uu u muuqday inuu ka dhacay meel ka baxsan aagga ganacsiga ee gaarka ah.
Ms Harris waxa ay booqan doontaa Kuuriyada Koonfureed maalmaha soo socda taas oo qayb ka ah safar ay ku tagi doonto gobolka oo uu ka mid yahay aaska raysalwasaarihii hore ee Japan Shinzo Abe.
Xiisadda ka taagan gacanka Kuuriya ayaa sare u kacday sanadkii la soo dhaafay, iyadoo Pyongyang ay ridday tiro gantaallo ah.
Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed, Yoon Suk-yeol, oo xilka la wareegay bishii May, ayaa ballan qaaday mowqif adag oo ku aaddan Kuuriyada Waqooyi, wuxuuna muujiyay xidhiidh dhow oo uu la leeyahay Mareykanka.